Boorama: Haween Badan Oo Nolosha Qoysaskooda Ku Daboola Kuulinimo

0
534

Boorame(Dawan):- Waxaa jira duruufo kala duwan oo nololeed oo la soo dersay hooyooyinka guud ahaan reer Somaliland oo qaar badan oo ka mid ah ay ku soo baxsatay in ay daboolaan baahiyaha nololeed ee qoysaskooga ka dib markii ay arrimo kala duwani ku banneeyeen kaalintii ay raggu ku lahaayeen  daboolida dhanka dhaqaalaha qoyska.
Habada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanaya haweenka ku  xoogsada shaqada muruq maalka ah ee Kuuliga isla markaana ku soo kalaha goobaha ay ka socdaan dhismayaashu.
Haweenka  ku nool magaalada Boorama ee nolosha qoyskooda si ay u daboolaan ku xoogsada shaqada adage e kuuliga ah,ayaa intooda badani waxay masuul ka yihiin qoysas agoon ah  oo uu geeriyooday saygoodii iyo qaar uu raggoodii xanuun haleelay taasina waxay sababtay in aanay asaagood gacmaha hoorsan ee ay u adkaystaan duruufaha nololeed ee la soo darsay isla markaana ay u dhabar adaygaan in ay nolosha qoyskooda u guntadaan in ay ku daboolaan shaqada adage e muruq maalka ah oo ay subax kasta ku soo kalahaan hadba halka  uu dhisme ka socdo.
Haweenkan muruq  maalka ah,ayaa inta badan waxay takoor joogto ah kala kulmaan ragga ka shaqeeya  dhismaha oo iyagu u arka in ay shaqada kku cidhiidhyayaan isla markaana ay qaarkoodna uba arkaan in aanay shaqadan aadag dumar qaban Karin.
Waxaa kaloo ka mid ah duamrkan ku shaqaysta kuulinimada qaar ay raggoodu noqdeen kuwo aan wax shaqo ah hayn isla markaana dayacay kaalintii masuuliyadeed ee uu qoysku ku lahaa oo ka door biday in ay kuulinimo ku shaqo tagaan in ay qaad raadsadaan oo kaliya isla markaana iska qayilaan.
Hadaba waxaa la gudboon bulshada haynta ku dhaanta in hoos loo eego  duruufaha nololeed ee ay ku nool yihiin haweenkan ay dantu ku kaliftay in ay kuuli noqdaan,oo u baahan in ay gacan ka helaan bulshada inta dhaanta shicib iyo dawladba.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply