Guddoomiye Cirro Oo Ciidammadda Qaranka Ku Bogaadiyay Talaabadii ay ka Qaadeen Maleeshiyadii Galaydh

0
503

Hargeysa(DAWAN)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Md.  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay dagaalkii tuuladda  Saax-dheer  ay ciidamadda qaranku ka saareen maleeshiyadii Cali Khaliif Galaydh.
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu sheegay inaanay suurto-gal ahayn in Somaliland gudaheeda laga dhiso dawlad kale,waxaanu yidhi  “Saax-dheer iyo Sool dadka degaa waxay ka mid yihiin shacabi weynaha  Somaliland. Illaalinta iyo adkaynta dhulka Somaliland iyo difaaceeduna waa mid innagu wada waajib ah. Maamul  kale iyo  dawlad Somaliland dhexdeeda lagama dhisi karo,  suurtagalna maaha, shacbiga halkaa degana (Saax-dheer) maadaama ay shacbiga Somaliland ka mid yihiin dowlada Somaliland ayaa ka masuul ah  amnigooda  iyo deganaanshahooda, wixii nabad-gelayada wax u dhimaya wax u dhimaya qaranimada inaan iska difaacno ayaa innagu waajib ah.”
 
“Ciidanka qaranka ee waajibaadkiisa gutayna waan  ku hambalyaynaynaa, sidii xukuumada Somaliland iyo shacbiga dhaqanka   u ahaydna waxaan jecel nahay in arrin kasta oo Somaliland gudaheeda  ahna lagu galo nabad iyo wada hadal, shacbigu Saax-dheer ha joogo ama Saylac ha joogee waxa innagu wada waajib ah inaynu difaacno amnigooda, ”ayuu yidhi Guddoomiyaha wakiiladdu.
Md. C/Raxmaan Cirro waxa  kale oo uu ka war-bixiyay hawlaha qabyada ka ah doorashooyinka ee dalka ka socda, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland 12- kii sano ee u dambeeyay waxay ku soo dhaqamaysay hanaan dimuqraadi ah, axsaab badan ayaa la sameeyay doorashooyin ayaynu qabanay, waxa hada aynu doonaynaa  waa diiwaan-gelintii dadka codaynaya in  la sameeyo, arrintaasi waxay u baahan tahay in   si wada jira aynu uga shaqayno  axsaabta qaranka, wasaarada arrimaha gudaha iyo xukuumada guud ahaan meel wanaagsan ayaa la soo gaadhsiiyay laba arrimood ayaa ka qabyo ahaa midi wuxuu ahaa komishinkii oo aan filayo hadda inuu dhameystirmi doono midina waxay ahayd kaabistii xeerka oo loo baahday maadaama intaa lagu kordhiyay xeerka kaabista la ansixiyo, haseyeeshee, xukuumadu xeerkii ay u gudbisay komishinka waxay ku soo dhex dareen xeerkii kale diiwaan-galinta madiniga  ah oo aan xeer hore ka oolin, arrintaas labada xisbi mucaarad wada jir ayay iskaga arkeen madaxwaynaha Somaliland way kala hadaleen waxaan rajeynaynaa in si wadajir ah u xalino.”
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply