Musharaxiinta UCID Oo Ka Horyimid Mawqifka Guddoomiyahoodu ka Istaagay Komishanka

0
591

Ma aha wax ku cusub dhegaha bulshadda bal se waa mid lagu yaqaano oo uu ku caan baxay in uu isaga hadaaqo arrimo aanu xog ogool  u ahayn, isla markaana ka hor imanaya  dastuurka dalka ama qaranimada iyo sidoo kale sharciyadda iyo xeerarka xisbiga uu ka tirsan yahay, musharaxa jagadda madaxweynaha ee xisbiga UCID ma jaalileyste Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kalenena,  waxa isna siyaasadii majaajileyste Jamaal ee indho la’aanta ahayd ku soo biiray  nin kale  oo magaciisa la yidhaahdo C/rashiid Xasan Mataan (Mataan soo lu-go’ay), iyaga oo labaduba layli ku ah saaxada siyaasadda, kuwaasi oo sheegta in ay yihiin musharaxiinta jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen ka ee xisbiga UCID, majaalileyste Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan (mataan soo lu-go’ay), ayaa Sabtidii todobaadkan waxay ka hadleen arrimo  ay doonayeen inay xukuumadda ku dhaliilaan  balse  hor imanaya shuruucda xeerka doorashooyinku jidaynayo iyo mawqifkii uu Guddoomiyaha xisbigaasi ka qaatay waxa laga yeelayo komishanka doorashooyinka ee hadda jooga.

 sida aynu la wada socono  todobada xubnood ee gudida doorashooyinka ee hadda jooga, waxa soo kala   magacaabay sida sharciga iyo xeerka doorashooyinku  dhigayo, xukuumadda, golaha Guurtida iyo xisbiyadda mucaaridka ah, taasi oo ah saddex xubnood oo uu madaxweynuhu soo magacaabo, laba ay golaha guurtidu soo magacaabaan iyo laba xisbiyada mucaaridku soo xulaan.

Labaddan Murrashax ee  majaalileyste Jamaal iyo Mataan soo lu go’ay, waxay sheegeen in aanu madaxweynuhu  awood u lahayn inuu kala diro xubnaha gudida doorashooyinka, taasi oo ah mid ka hor imanaysa awoodaha gaarka ah ee uu dastuurka Somaliland siiyay madaxweynaha. Taasi oo muujinaysa in ay ku  hadaaqeen arrimo aanay waxba ka ogayn, isla markaana xaqiiqadda ka fog.

Waxa  hadaaqa ka soo yeedhay labadan nin  ay marag fur u tahay  in aanay aqoon u lahayn shuruucda wadanka  iyada oo sida aynu la socono ay hadda gabaabsi tahay muddo xileedka gudida doorashooyinka oo ku eg 29-ka October,  sidaasina ay  ugu buuxdo komishanka muddo shan sanadood ah oo xafiiska joogeen.

Sidoo kale muddooyinkan dambe ayaa labadda xisbi mucaarid waxay dalbanayeen in Komishanka doorashooyinka la kala diro, isla markaana ay xukuumadda ku eedeeyeen inay arrintaasi ka cago-jiidayso, balse waxa jirtay in dhawaan  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xisbiyadda mucaaridka ah u qoray waraaq uu ku wargelinayay in maadaama oo uu dhammaaday muddo xileedkii Komishanka hadda joogaa, looga baahan yahay axsaabta mucaaridka inay soo magacaabaan xubnihii Komishanka cusub uga mid noqon lahaa iyagoo min hal xubin soo magacaabi doona.

Tallaabadaasi oo ay madaxda labadda xisbi ee UCID iyo WADDANI ay si weyn u soo dhaweeyeen, hase yeeshee hadalkan ka soo baxay majaajileyste Jamaal iyo Mataan soo lu-go’ay ayaa muujinaya in labadan nin ay ka hor yimaadeen siyaasadda xisbiga ay ka tirsan yihiin ee UCID.

Sidoo kale dhawaaqa labadan nin ee qurbo-jooga ahi waxay dhabar jab ku noqonaysaa guddoomiyaha  xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu si weyn u soo dhaweeyay kuna hambalyeeyay madaxweynaha in la kala diro Komishankii wakhtigiisu dhammaaday.

Haddaba labadan nin ee sheegta in ay ka tirsan yihiin xisbiga UCID majaajileyste Jamaal yare iyo Mataan soo lug-go’ay  ayaa iyagu u muuqda kuwo aan wax aqoon ah u lahayn shuruucda dalka, waxaana looga baahan yahay in ay soo bartaan shuruucda iyo xeerarka dalka iyo sidoo kale awoodaha gaarka ee madaxweynaha qaranka, waxaanay muujiyeen jaahilnimadooda waxaana lala yaaban siday mar-walba sharciyadda uga taraarayaan.

By: Ismaaciil Cabdilaahi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply