Hargeysa, (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka ee Somaliland/Soomaaliya oo xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ciidamaddeeda kala soo baxdo deegaanka Saax-dheer oo ka tirsan gobolka Sool.
Xildhibaannadan oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Maxamed Saalax Cigge iyo Maxamed Cumar Jiir oo shalay si isku mid ah ugu waramayay wargeyska DAWAN, waxaanay sheegeen in aanay xaq u lahayn beesha caalamku inay Somaliland wax u yeedhiso, waxaanay tilmaameen in ciidammada Somaliland ay tageen dhul ka mid ah xuduudka dalka.
Ugu horeyn xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo arintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi, “Hambalyo ayaan u dirayaa ciidanka qaranka gaadhida iyo gacan ku soo celinta Saax-dheer, waxaananu leenahay tallaabadaasi maaha duulaan ee waa ciidan iyo dawlad diiday in xuduuddaheeda dhulleed maamul laga dhex sameeyo, waxaanu u sheegaynaa kuwa beesha caalamka ah ee yidhi ka baxa Somaliland, marnaba dib ugama noqonayso waa dhul Somaliland, beesha caalamkana marti ugama nihin iyo cid kale midna, mana ixtiraameyno go’aanka cadaaladda ka fog.”
Xildhibaan Maxamed Saalax Cigfe ayaa isaguna sheegay inaanay beesha caalamku xaq u lahayn in cambaareeyay baaqii ay jimcihii soo saareen saddexda danjire. “Runtii aad baan ula yaabay markii aan maqlay warkaas, Somaliland beesha caalamku xaq uguma laha inay yidhaahdaan ka baxa dhulkiina, waana arrin aan meesha qaban, waxay ahayd inay eegaan nabadgelyadda iyo dawladnimada, sida ay wax u qabsatay, shuruucda iyo xeerarkooda soohdinta dhulleed, balse waxaan leenahay midawga Yurub, qaramada midoobay iyo safiirka maraykanka baaqaas raqiiska ah soo saaray maaha mid aad xaq noogu leedihiin, mana ixtiraamayno go’aankaasi ka dhanka ah qaranimada.” ayuu yidhi Maxamed Saalax Cigge.
Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir ayaa isaguna waxa uu tilmaamay inay Somaliland xaq u leedahay inay dalkeeda ka difaacdo cidii khatar ku ah nabadgalyadooda, waxaanu yidhi, “Uma arko inay daw tahay in Qaramada Midoobay dal aanay aqoonsan ay fikirkooda ku socodsiiyaan, laakiin ciddii aanay aqoonsanayn ee ka mid ahayn inaguna kama mid nihin Soomaaliya, waxaana aanu ahayn laba waddan oo isku tagey, 1991 xornimadeenii ayaynu kala soo noqonay Soomaaliya, gaar baanu u taagan nahay, laakiin maadaama aanay ina aqoonsan Qaramada Midoobay inay ina faro galiyaan xaq uma leh hadday ina aqoonsadaan, iyagoo sharciyaddooda raacaya waanu ogolaan karnaa, waxay ina yidhaahdaan imikase xaq nooguma leh, waxaanan u aragnaa, annagu in danahayagii aanu maamulaynayno, dadkayagii nabadgelyo u samaynayn wixii doonayana nabadgalyadooda inay xumeeyaan inaanu aayar iska qabano, annagoo sharciyadda dhaafayn, wixii xabad nagu bilaabana xaq baanu u leenahay inaanu iska difaacno.”
Xasan Sheekh Muxuu Ka Baran Karaa Madaxweyne Siilaanyo?
Faallo……. Cumar M.Faarax
“Ayni Ii Kordha Mooyee
Caqli Iima Siyaado
Mana waayo arkaayo
wax kastood akhridaan
Waxaan ahay ALLE doori,
Seed dhanaani ku oolin
Adinka dhaawac ku yaallana,
Hadaad oofta ka dhaydo
Asbaroo wax ma dhaanto
Inyar aad ku nafiifto” ALLE ha u naxariisto Abwaankii indheer-garadka ahaa
ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
Malaayiin Doollar oo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ahi ay geliyeen Soomaaliya muddo rubuc qarni ku dhow ayaa tacab-qasaar laga joogaa, waxaan xaaladda iyo mustaqbalka dhow ee waddankaasi isku shaqashay ceeryaamo guul-darro oo ka dhigay waddanka calanka u sida qarramadda guul-daraystay ee kownkan ka jira.
Waxa maanta caalamka quus ka joogaa shan dawladdood oo laga dhisay Soomaaliya tan iyo 1991-kii, waxaana marba-marka ka dambaysay waddankaasi cagaha la sii geliyo dhiriq siyaasaddeed iyo dagaalo halakeeyay oo wejiyo badan leh, taasoo ka dhigtay inay dhufays adag u noqdaan kooxaha caalamku isku bahaystay tirtiristooda.
Dawladda hadda ka dhisan Muqdisho oo yabooh-bixiyeyaasha adduunku ay u dawareen dhaqaalihii ugu badnaa ee aanay helin afartii dawladdood ee ka horeeyay ee laga dhisay Soomaaliya, ayaa hadda qarka u saaran inay meesha ka baxdo, ka dib markii kooxaha dagaaladda hubaysan kala soo horjeedaa ay ku guulaysteen inay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, xataa nabadeyn kari waydo magaaladda Muqdisho iyo gobolka Banaadir.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sannad iyo dheeraad ka hor ka hadlayay magaaladda Hargeysa, xilligaas oo uu ahaa Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ayaan ka guntay erayo u baahan in hoosta laga xariiqo mar uu is-barbar dhigayay Somaliland iyo Soomaaliya “Xamar waxay haysataa Aqoonsi ammaah ah, Somaliland-na waxay haysataa dawladnimo Raasamaal ah”
Aan sii bayaamiyee waxay arrintaasi ka dhigan tahay, “In Madaxweynaha Soomaaliya uu hurdada ledo maalmaha uu socdaaladda dibadaha ku tax-taxaashayo” halka Madaxweynaha Somaliland-na uu ku naaloonaya haykalkii dawladnimo oo u dhamaystiran, dha-dhaaradii qaranka ee is-dheeli tirayay (Goleyaasha Baarlamaanka) oo abbuuran,Waaxyihii Garsoorka iyo Fullinta (Xukuumadda) oo taabbo-gal ah. waa sababta aan u leeyahay dawladnimadda Somaliland waa mid raasamaal ah oo ku dhisan iraadadda shacbiga oo aanay beesha caalamku wax kaalin ah iyo ribo dul-saar ah ku darsan 23 sannadood oo si naf hur ah dalkani u yagleeshay qaranimadiisii fool-holowday 1960-kii qarnigii 20-aad.
Malahayga Soomaaliya waxay u degi wayday oo nabad ka aslaaxda loogu caal-waayay aqoonsiga caalamku u qaddimay oo ay ahayd in lagu xidho inay ka dhaliyaan waddankooda qarannimo raasamaal ah, ka hor inta aan amaah lagu siinin aqoonsiga dul-saarka siyaasaddeed ku lammaan yahay. Ictiraafku waxa uu ka dhigay Soomaaliya mid ay kud iyo cadho ku noqday waaxyihii dawladnimadooda oo tis-qaadi waayay, taasoo sababtay tobanaan kun oo ciidan oo ka socda ururka midowga Afrika ay ka hawl-galaan Soomaaliya, kuwaasoo hawl-galkoodu mashaariic ay dheefsadeen u noqday dalalka ay ka socdaan oo lagu siiyo dhaqaale aad u balaadhan oo qaarkood la soo weriyay inay ku darsadeen miisaaniyad sanadeedkooda.!
Bal ka sitee arrintaas iyo haanta bilaa gunta ah ee caalamku dhaaminayo, u soo noqo Somaliland oo eeg tirada guulaha ay Somaliland taabtay afartii sannadood ee ugu dambeeyay oo keliya, waxay Soomaaliya wax ka baran kartaa Somaliland, iyadoo aan masaafo dheerba aqoon-raadis iyo siminaar ugu bixin dhul fog.
Somaliland waxay sii adkaysay tirada iyo tayada ciidammadda qalabka sida ee Somaliland, waxa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu ay derajooyinkii ciidanimo ku taxday toban kun oo askari oo ka kala tirsan noocyada kala duwan ee ciidammadda, kuwaasoo la siiyay derajooyinka alifle illaa sareeye Guuto oo weliba loogu daray gunno derajeedkii askari walba xaqa u yeeshay. Hadda kuma jirto hal doollar oo ay ku yabooheen tuugmo bixiyeyaasha caalamku.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay samaysay qorshe hawleedka horumarinta Somaliland ee illaa 2030-ka oo ay ku suuraynayso qorsheyaasha sannadlaha ah ee JSL hiigsanayso illaa 2030-ka ninkii ALLE gaadhsiiyo. Hadda ka waran Soomaaliya malaha qorshe hawleed baaxadaas leh, iyagoo haddana caalamku u irmaan yahay oo ay malaayiin dollar, si toos ah iyo si dadban-ba gacanta loogaga rido.
Somaliland waxay kordhisay miisaaniyad sannadeedkii qaranka ee xukuumadda dhexe ee Somaliland oo la gaadhsiiyay 212 milyan oo Doollar, waxaanay miisaaniyadda Somaliland diiradda saaraysaa sidii wax looga qaban lahaa dhinacyada beeraha, kalluumaysiga, xoolaha iyo wasaaraddaha waxsoo-saarka Somaliland. Waxa kale oo ay kordhisay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidammadda muddo laba jeer ah afartii sannadood ee tagey.
Somaliland waxay u xadhko xidhanaysaa doorashooyin is-barkan oo la xidhiidha Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda oo kal-dambe 2015-ka lagu wado inay dalka ka dhacdo, iyadoo muddada intaas ka horeysana ay qorsheysan tahay in la fulliyo bixinta kaadhka jinsiyadda, diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, arrintaas siday Somaliland u maaraysaa waxay siminaar wax ku ool ah u noqon kartaa Soomaaliya haddii ay ka faa’iidaysan doonto, waayo waxa dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo tamarteeda la arkayo laga doonayaa inay Soomaaliya ka qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah oo muwaadiniintooda ay fursad u siinayaan inay doortaan madaxdooda (one man one vote).
Waxa kale oo ay Soomaaliya ka faa’iideysan kartaa inay aqoon iyo macluumaad ka hesho hanaankii Somaliland u martay marxaladii dibu heshiisiinta iyo qarramaynta beelaha Somaliland, iyadoo ay ka heli doonaan madxafka aqalka odayaasha Somaliland.
Waxaan eegi doonaa labada tiir ee ka kala maqan Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ah aqoonsi iyo dawlad shaqaynaysa ka caalamku mustaqbalka u soo noqdo. Marka uu ku daalo xalka Soomaaliya ee gacmo daaliska ku noqday, waxa la gaadhay xilligii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska iloobi lahaa Somaliland oo ALLE ku gargaaray nabsi-maalkii calankii Soomaaliya ee shacbiga Somaliland qotomiyeen ee iyagii dib loogu dulmay.
Waxa kale oo madaxweynaha duruufaysan ee Soomaaliya la gudboon inuu wax ka barto madaxweyne Siilaanyo oo ah hoggaamiye burjuwaasi ah oo ku gaadiiday siyaasadda.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office