Wasiirka Caafimaadka Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadallo Ka Soo Yeedhay Musharixiinta Madaxtinimadda UCID

0
427

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa si adag u beeniyay hadallo ka soo yeedhay musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan, kuwaasi oo sheegay in  shaqaale   wasaaradda caafimaadka  aanay  wax mushahar ah qaadan  muddo 9 bilood ah.

 Waxaanu  cadeeyay  in ay waxba kama jiraan tahay arrintaasi ay ku hadleen Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan, isla markaana shaqaalaha wasaaradda caafimaadku ay mushaharkooda qaataan  bil kasta dhamaadkeeda,  haddii ay tahay  kuwa xarunta wasaaradda jooga iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala  goboladda iyo  degmooyinka dalka.

 

Dr. Xaglo Toosiye oo shalay waraysi gaara siiyay wargeyska Dawan, ayaa sidoo kale wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalkaasi ka soo yeedhay  nimankani  madaxtinimadda  ka doonaya dalka inay umada la hor yimaadaan been qayaxan. waxaanu yidhi “Waa been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxna kama jiraan, hadalka ay nimankaasi yidhaahdeen ee ah in aanay shaqaalaha wasaaradda caafimaadku muddo 9 bilood ah wax mushahar ah qaadan, shaqaalaha wasaaradda caafimaadku kuwa xarunta wasaaradda jooga iyo kuwa ka hawlgala gobolada dalka iyo degmooyinka, waxay mushaharkooda qaataan marka ay bishu sidaas u dhamaato, waa wax lagu qoslo in niman doonaya inay madaxweyneyaal ddalka ka noqdaan ay been sidaa u qayaxan oo aanay waxba ka jirin ay umadda la hor yimaadaan.”

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay  in labadan masuul ay socod barad ku yihiin siyaasadda, isla markaana aanay jirin xog sugan oo ay ka hayaan arrinta mushahar la’aanta ee ay ka hadleen, balse sida hadalkooda ka muuqata ay isaga dhawaaqeen waxyaabo aanay cadayn ka haynin, wax  ay kala socdaan ama ka ogyihiina  aanay jirin. Hase yeeshee Dr. Xaglo toosiye, waxa uu sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka oo ay lacag guno ahaan u siin jirtay hay’ad caalami ah oo ka mid ah hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka, shaqaalahaasi oo muddo 10 bilood ah ay ka maqan tahay lacagtii  gunada ahayd ee ay siin jirtay hay’adaasi ka dib markii sida uu sheegay uu hakad dhinaca dhaqaalaha ahi ku yimid mashruucii ay la waday hay’adaasi wasaaradda caafimaadka, taasina ay keentay inay joogsato gunadii ay siin jirtay  hay’adaasi shaqaalaha  ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Waxana uu tilmaamay wasiirku in wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaasi ay muddo ku hawlanaayeen dedaal dheerna ugaleen sidii taageero dhaqaale  loogu heli lahaa mashruucaasi, isla markaana ay hadda ku guulaysteen  una  heleen dhaqaalihii mashruucaasi  u baahnaa, shaqaalahasina gunnadii ka maqnayd-na uu diyaar yahay  lana  siinayo.“Horta labadan nin waa niman labaduba ku cusub siyaasadda, wax xog  iyo cadayn ahna uma hayaan arrintan ay leeyihiin shaqaalaha wasaaradda caafimaadku 9 bilood mushahar ma helin, balse sida hadalkooda ka muuqata waxay si xan ah ku maqleen, arrin   aanay waxba  ka ogayn, wax ka jiraana aanay jirin ayay isaga hadleen. Balse  malaha waxay nimankani si xan ah u maqleen lacag qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ay guno ahaan u siin jirtay mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradda, shaqaalahasi oo muddo 10 bilood ah aan qaadan mushaharkoodii, ka dib markii uu hakad dhinaca dhaqaalaha ahi ku yimid mashruucii ay la waday wasaaradda caafimaadka, taasina ay keentay inuu joogsado gunadii ay siinjirtay  hay’adaasi shaqaalahaasi ka tirsan wasaaradda caafimaadka. Hase yeeshee waxa ay muddooyinkanba ka wada shaqnayeen aadna isugu hawleen wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaasi sidii dhaqaale loogu heli lahaa mashruucaasi, waxaanan kuu sheegayaa in aanu imika ku guulaysanay hawshaasi oo aanu taageero dhaqaalae u helnay barnaamijkaasi, gunaddii shaqaalahaasi ka maqnayd oo 10 bilood ahna imika ayaa la siinayaa, oo waa diyaar” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka.

 Wasiirka  ayaa  u soo jeediyay xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan musharaxiinta  jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan inay xog  ogaal u noqdaan hawlaha dalka isla markaana aanay warbaahinta la soo fadhiisan arrimo aanay waxba kala socon oo been iyo xan ay meelahaasi ka soo maqleen ah. Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nimankaasi mucaaridka  isku sheegay ee  wax aanay waxba kala socon isaga hadlayana waxaan u soo jeedinayaa inay  in ay xogo ogaal u noqdaan hawlaha dalka, oo aanay warbaahinta la hor iman arimo aanay waxba kala socon oo been iyo xan ay meelahaasi ka soo maqleen ah”.

By: Khadar C.Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply