“Waxaan u Arkaa Fikradda Xisbiyada Mucaaradka Inay la mid Tahay Hasha Geella Cunta Ee Haddana Cabaadda”

0
547

Hargeysa (DAWAN)-Xildhibaan Ibraahin  Carraale Cabdi (Ruush) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa naqdiyay  siyaasadda xisbiyada mucaaradka ah oo uu ku tilmaamay inaanay diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Ibraahim Carraale Cabdi oo shalay u warramayay wargeyska DAWAN,  waxa kale oo uu sheegay inaanay suurtogal ahayn in wax ka bedel lagu sameeyo  xeerka komishanka  doorashooyinka, isla markaana la kordhiyo  xubnaha guddidaas, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi, “Xukuumaddan tallada dalka haysaa shalay ayay ku andacoonaysay markii ay la baratamaysay dawladii Daahir Rayaale in wax laga bedelo xubnaha komishanka doorashooyinka, markaa suurtogal noqon mayso in maanta wax laga bedelo, beesha caalamkuna kuma qasbi karaan xukuumadda in wax laga bedelo komishanka oo shalay ayay aqbali lahaayeen in la kordhiyo tiradda guddida doorashooyinka.”

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in la raaci doono doorashooyinka soo socda xeerarkii  u yaallay komishanka doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Markaa nidaamka ayaa la raacayaa ee u yaallay xeerarka komishanka ee lagu soo caano maalay ee madaxweynaha jooga kursiga ku fadhiistay ee uu kula tartamay madaxweynihii hore ayaa la raacayaa, saddex madaxweynaha  ayaa soo magacaabaya, labana xisbiyada mucaaradka ah ayaa soo magacaabaya, labada kalena  guurtida ayaa soo xulaysa, lamana odhan karo labada guurtidu dhex-dhexaad maaha sidiisaba, komishankuna waa dhexdhexaad ama madaxweyne ha magacaabo ama mucaarad ha soo magacaabo, ama guurti ha magacaabo 7-da xubnoodba  dhexdhexaad ayaa laga rabaa Golaha Wakiiladuna  wuu ansixinayaa kii aan munaasib ahayna goluhu wuu diidayaa.”

Xildhibaan Ruush waxa uu sidoo kale, naqdiyay siyaasadda xisbiyadda mucaaradka ah oo uu ku sifeeyay inay is bed-bedalaan  “Waxaan u arkaa fikradda xisbiyada mucaaradka inay la mid tahay hasha geella cunta ee haddana cabaadda, muhiimadu waxa tahay mucaaradku korodhsiimana way ka qaylinayaan, doorashana diyaar uma aha, dawladda in la canaanto oo la saarnaado oo inay wax qabato loo diido la iskuma helo, dawladdu, iyadaa xaq leh inay qabato doorasho haddii dalkan doorasho xumi ka dhacdo, iyadaa eedda la  saarayaa, markaa xaq ayay u leeyihiin in doorasho sax ahi oo xalaal ahi ku dhici lahayd iyadaa laga rabaa.” ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Carraale  Cabdi.

Xildhibaan Ruush waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in la soo horeysiiyo diiwaangelinta madaniga ah, si loo cadeeyo dadka muwaadiniinta ee xaq u leh inay codeeyaan  “Xeerka diiwaan-gelinta muwaadiniinta waa in la caddeeyo yaa muwaadin ah, muddada ay doonto ha qaadato, markaa la caddeeyo ayaa loo gudbiyaa diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha, laakiin waddan aan cidda codaynaysa aan la garanayn oo ay codaynayso malaayiin dad ah oo kula joogtaa oo hadhow la odhanayo waa lagu shubtay eeddana iyaga la saarayo xaq looguma laha arrintaas xukuumadda.” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Xukuumaddu waa inay qabato diiwaangelinta oo aanay dhegaysan qaylo dhaanta mucaaradka ah ee aan jihada lahayn, waa inay ku dhiirradaan oo ay saxaan shuruucda dalka ee loo igmaday, doorasho waqtigeeda ka habsaamaysaa ma jirto ee doorashadu waqtigeedii ayay dhacaysaa, waxaana loogu tallo-galay in la qabto doorashada  waxna la saxo, waxaanan leeyahay mucaaradka waar wax ha la saxo inta aad qaylinaysaana ha ka hor dhicina,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Ruush waxa kale oo  uu sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymo mucaaradku u soo jeediyaaan Wasiirka macdanta oo uu ku majeertay inuu waxqabad la taaban karo muujiyay waxaanu yidhi, “Wasaaradda macdantu inta aynu Somaliland ahayn may dhaqdhaqaaqin, markii wasiirkaa la keenay aad ayay u dhaqdhaqaaqday, aqoon fiicanna wuu u leeyahay, maaha dadka  u soo shaqo tagey dalka waa dadka inay wax qabtaan u yimi.”

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply