G/Guurtida oo Soo Jeediyay Haween lagu Taraxo Guddida Dib u habaynta Shuruucda

0
550

Hargeysa, (Dawan)- Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali ayay xildhibaannadu ku lafo-gureen xeerka aasaaska guddida dibu habaynta shuruucda dalka.
Xildhibaannada golaha guurtidu waxay soo jeediyeen in xeerka aasaasida guddida dibu habaynta shuruucda dalka laga dhigo todoba xubnood oo laba ka mid ahi ay noqdaan haween ah.
Sidoo kale xildhibaannada golaha guurtidu waxay soo jeediyeen xubnaha noqonaya guddida aasaaska xeerka dibu habaynta shuruucda dalka inay ahaadaan xubno aqoon u leh diinta islaamka, shuruucda Somaliand iyo guud ahaan shuruucda adduunka.
Xildhibaannada golaha guurtida ayaa waxay gacanta ku hayaan xeerka aasaasida guddida dibu habaynta shuruucda dalka, kuwaasoo haddii goleyaasha sharci-dejinta ee dalku ay meel mariyaan wax badan ka bedeli doonaan dibu eegista iyo dibu habaynta sharciyadda kala duwan ee dalkeena u yaalla.
Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa u ballamay in fadhiyada soo socda ay ku sii ambaqaadaan, isla markaana sida ugu haboon ee loo curin karo guddidaas tirada ay yeelan doonaan iyo sida looga soo xulayo aqoonyahanka dalka.
Guddoomiye ku-xigeenks koowaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa waxa uu xildhibaannada ku wargeliyay in guurti ahaan ay doonayaan in la helo guddi wax badan ka qabata dibu eegista shuruucda, si loo helo shuruuc wax badan ka tara hanaanka maamul iyo shaqo ee dalka.
Xeerka aasaaska guddida dibu habaynta shuruucda dalka ayaa hirgelkiisu wax badan ka tari doonaa hawlaha sharci ee dalka Somaliland.
 By: Jamaal C/raxmaan Macalin 

Leave a Reply