Daacish oo Askarigii Labaad Qoorta ka Jaray

0
540

Wararka ka imaanaya Lubnaan ayaa sheegaya in askeri labaad oo ay qabsadeen kooxda la baxday dowladda Islaamiga ah bishii hore in madaxa laga gooyay.
Kooxda jihaad doonka ah ayaa dalbaneyso in loo siidaayo islaamiyiin kaga xidhan dalka Lubnaan.
Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay inay askerigan dileen kaddib markuu isku deyay inuu baxsado.
Sawiro ku saabsan dilkan ugu dambeeyay ayaa internet ka lagu baahiyay.
Askarigan la dilay waxa uu ka mid ahaa tiro ciidamo ah oo bishii hore la qabsaday xilli ay xoogagga dowladda Lubnaan ay isku deyayeen inay jihaad doonayaasha ka riixaan magaalada xuduudda Suuriya ku taalla ee Arsal oo ay dagaal yahaniinta isku deyeen inay qabsadaan.
Dagaal yahaniinta dowladda Islaamiga ah ayaa halkaasi isaga baxay, laakiin waxay horey u sii kaxeysteen askartii ay qabsadeen.
Ciidanka la afduubtay qaar kamid ah waxaa la baxay kooxda xidhiidhka la leh Al-qacida e Al-nusra, qeybna waxaa kaxeysatay dowladda Islaamiga ah.
Ehelada askarta la haystayaasha ah ayaa dibad bax dhigay iyagoo dowladda ka dalbanaya inay soo badbaadiso, kaddib markii askerigii ugu horeeyay la dilay Isbuucii hore.
Dagaal yahaniinta dowladda Islaamiga ah ayaa ku hanjabay inay seddaxdii maalinba mid dili doonaan.

Leave a Reply