Madaxweyne Cabaas oo u Digay Xamaas

0
587

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, ayaa u digay Xamaas inuu ka baxaayo heshiiska dowladda isbahaysiga hadii aysan aqbalin inay si buuxda uga mid noqoto.
Mr Cabaas ayaa sheegay hadii aanay  Xamaas aqbalin hal dowlad falastiniyiin ah oo leh hal sharci, inaysan jiri doonin dowlad isbahaysi.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Cabaas in dowladda Falastiiniyiinta ay tahay inay maamusho hubka oo dhan, ayna samayso dhamaan go’aanada dagaalka iyo nabada.
Heshiiska labada dhinac ee xisbiga Fatax iyo Xamaas ayaa qaatay sanooyin, laakiin waxaa cadaadis sii saaray dagaalkii ugu danbeeyay ee Israel ay ku qaaday Xamaas.
 
 

Leave a Reply