Maraykanka oo Duqayn u Geystay kooxda IS

0
624

Afhayeen u hadlay milateriga Maraykanka waxaa uu sheegay, inay fuliyeen afar weerar oo xagga cirka ah oo lagu qaaday wax uu ugu yeedhay aragaxisada ka tirsan kooxda la baxday dowladda islaamiga ee IS ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya meel u dhow biyo-xidheenka Xadiitha.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in weerarrada la qaaday kaddib markii ay dowaldda Ciraaq sidaas ka codsatay, isla markaana loola jeeday in lagaga hortago in dagaallamayaasha islaamiga ah ay halis geliyaan ciidammada ammaanka ee dowladda Ciraaq, iyo rag ka tirsan qabaa’ilka halkaasi deggan oo biyo-xidheenka difaacaya.
Biyo-xidheenkani waa dhisme muhiim ah oo dib u celinaya biyo fara badan ee webiga Euphrates oo woqooyi galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad.
Waxaa jirtay cabsi muddo dheer in, haddii uu webigaasi gacanta u galo xagjireyaasha islaamiga ah, ay u isticmaali karaan hub ay wax ku gumaadaan.
Si kastaba ha ahaatee, weerarrada cirka ee Maraykanka, oo ah kuwii ugu horreeyay ee noocooda ah ee ka dhaca gobolka Al-Canbaar, waxaa uu muujinayaa in Washington ay ka tallaabsatay khad ay iyada laf ahaanteedu jeexday.
Dowladda Ciraaq ee xukunka ka degaysa waxay muddo dheer ka codsanaysay Maraykanka inuu awooddiisa cirka u adeegsado dhammaan deegaannada ay joogaan kooxda IS.
Laakiin wixii hadda ka horreeyay waxaa uu Maraykanku si cad u sheegayay inay saas sameyn doonaan oo keliya haddii la dhiso dowlad Ciraaq leedahay oo loo wada dhan yahay, oo dadka sunniyiinta ah ay si buuxda ugu jiraan. Taasi weli ma dhicin. Inkastoo uu dadaal xoog lihi socdo, in la soo saaro gole dowlad cusub maalmaha innagu soo aaddan.
 

Leave a Reply