Rugta Ganacsiga oo Digniin u Jeediysay Dad Magacooda Ku Gabraaranaya

0
630

Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa uga digtay Shaqsiyaad shaqsiyaad ay sheegeen inay Magacagacooda ka been abuurtaan, Warsaxaafadeed ka soo baxay Rugta Ganacsiga Somaliland oo ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Rugtaasi  Maxamed Shugri Jaamac oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Waaheen ayaa waxa uu u dhingnaa sidan:
Rugta Ganacasigu waxay uga digeysaa cidkasta oo isku dayda in ay ku gabraarato magaceeda ama isku dayda in ay qaadato waajibaadkeeda (Mandate)
Rugta Ganacsigy waxay ogeysiineysaa Ganacasatada Somaliland, Hay’adaha Madaxa banaan iyo ku wa Caalamiga ahba in aaney jirin cid ka socota Rugta Ganacsiga oo u xilsaaran diyaarinta Diiwaanka Ganacsiga (trade directory) ee 2015
Cidkasta oo isku dayda iney sifo aan sharci ahayn ganacsatada lacag kaga urursato iyada oo ku beena abuuraneysa magaca Rugta waxa la horgeyndoonaa Hay’adaha Sharciga ee dalka
Gabogebadii waxaan uga digeynaa dhalinyarada isku daygan xaaraanta ah ku foogan iney ka waantoobaan.
By: Mustafe M Daad

Leave a Reply