Qarankani Wuu ka Gudbay Qabiil iyo in Buraanbur Qardajeexa Shacabka Lagu Qayb-qaybsho!

0
2016

In dhawr iyo labaatan sanno gudahood dal aan Bulshadda caalamku  aqoonsanayn islamarkaana aan ka helin taageero dhaqaale haddana uu ka mid noqdo wadamada Africa ee  safka hore kaga jira ku dhaqanka nidaamka dimoqoraadiga ee  ku dhisan axsaabta tirada badan. Sidoo kalena dalalkooda ay ka hirgashay amni iyo kala dambayn ku dhisan shuruucda seeska u ah Xeerarkooda.
Dalkaa aan tilmaamayaa waa Somaliland oo ay shacabkiisu ay tashadeen oo ay ka tashadeen qabiil iyo qolo-qolo ku dhaqan kuna tashadeen inay dhistaan qaran ku dhisan nidaam iyo kala-dambayn marjacoodu yahay ku dhaqanka Dastuurka qaran.
Hadaan usoo noqda ujeedada maqaalkaygan;  waxaan maanta aan warbaahinta kala duwan ka milicsaday nin Oday ah oo sita titleka Mujaahid layidhaana Cali Xaraaro oo wax u eeg Buraanbur xambaarsan fariin qabyaaladaysan oo qolo-qolo magacyo beeleed ay ka muuqdaan. Sidaa awgeed , waxaan odaygaa weyn u dirayaa fariin nasteex ah waxaanan leeyahay  camii!!  Haddii ay indhahaagu arki waayeen geedi socodka horumar ee dalkeena ka socda oo ay meelkale kuu muuqato ama caqligaagu kusiin waayey inaad umadaada ama dadkaaga tashaday dhinac ka raacdo  waxaa kuu roonayd in aad eray ka tidhaahdo Duulaankii shisheeye ee mucaarid iyo muxaafidba midaysay ee waliba ragii adiga kaa fogaa mucaaridnimo ahaan ay dalkooda iyo dadkooda u damqadeen.
Gunaanadkii, Xaqa muwaadinka lagu leeyahay waa in uu dalkiisa waxa ka taagan si joogto ah ula socdaa lana jaanqaadaa, haddii iyada oo hadda lagu jiro wakhtigii horumarka iyo ka illaalinta qarankeena shirqoolada shisheeya aad adna ka haddasho oo aad umadda dib u xasuusiso madawgii qabyaaladeed aynu ku jirnay 20 sanno ka hor waa ayaan darro fool xun.  Waxaase maanta farxad inoo ah in aynu nahay shacab bislaaday oo aan dhag u dhigayn foolxumooyinka kharin ee ay rag waaweyni kula dhex jiraan.
 
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa ,Somaliland
 
 
 

Leave a Reply