Gallada Muuse Jaambiir Waa Inta Gafuurku Qoyan Yahay!

0
708

“Ma Didee Hargooloow,
 Ha igu Tumin Durbaanadda
iyo daasadaha madhan”
Abwaan Hadraawi
Waxa sheekooyinka Soomaalidu ka soo tebiyeen  dhaqanka dabatada ka mid ah, in inta gafuurku qoyan yahay oo kaliya ay jawiga  dadnimadiisu caadi tahay,balse nasiib darro akhlaaqiyaadkii iyo qiyamkii dadnimadu meesha ka baxdo marka duruufo qayrkiiba la qabaa soo qaabilaan.
Waa dhaqan kakan oo hortii jireba  naanays xumo ku reebtay oo aanu kob cagaar leh kaga soo durdurinaynin. Waxa yaab leh maqaalo uu dhawrkii maalmood ee u dambeeyay toddobaadkii hore  uu qalinka u qaatay mulkiilaha wargeyskaOGAAL Muuse Faarax Jaambiir,kuwaasi oo uu ku doonayo wax qayrkiina wax ku waayeen isna.inuu ku daalayo aanu daah iga saarayn.
 
Waxaan dabo-socdaa qormadda loogu magac daray “Somaliland: DhamaadkaJidkii dheeraa ee Hoyashadda” waa maqaal daneedyo is muujin iyo dufan raadis ah, waxase tacab khasaar jooga qoraha isku daaliyay qoraallo taxanne ah sida aan qabana cidiba  aanay dheg u dhigin oo ninkii uu ku aflagaadeynayay-ba u arkay inay yihiin mid  sheeko baraley la soo dhoodhoobay ah, oo inan muddo dalka ka maqnaa lana socon waaqica jira   oo dhawr kun oo dollar oo aanu u dhididin doonayaa ku mirqaamay.
 
Qoraaladan oo sadex illaa afar maalmood si joogto ah ugu soo baxayay wargeyska OGAAL waa qaar abaartoodu hal shakhsi oo la rux-ruxanayo si gaar ah toosh ceebeed loola daba-socdo,  dad kale oo  karaamo mudanna afka  lala sii dhacayo. Mana jiro wax xog ah oo shilis oo qoruhu maqaaladiisa is dabraya uu ku iftiiminayo “Hebel baa awood aanu lahayn isticmaalaya” iyo qisaskii fadhi ku dirirka oo la isku dubo-ridaa wax saamayn ah ma laha.waxase ay damcad iyo dhadhan malaha ay  u sameynaysaa, ninkii dalka beryo ka maqnaa ee weli maanka ku haya in xajiimaynta iyo xag-xagashaddu  yihiin dariiq  laysku xooleeyo.Waxna ma yeelayaan Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dul  iyo Xamil  u leh aflagaadooyinka aan xadiga lahayn ee Muuse iyo qayrkiiba hore  uga faafin jireen.
 
Dad war-galeen ah oo si dhow ula socday Muuse Faarax Jaambiir Iyo xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijiyay in tiraba dhawr jeer oo kala duwan oo uu u soo muraaday dawladda, lacago loo xantoobiyay .iyadoo loo tix-geliyay tabaalooyin  shakhsi ah, kuwo qoys iyo duruufaha  wargeyskiisa la xidhiidhay intaba.
 
Maqaaladani waxa loo fahmi karaa qaar been iyo hawaawi  ah oo Muuse Faarax, marna doonayo inuu isku baro Wasiir Xirsi, Marna xisbiga WADDANI uu kaga raadinayo inay kaga ijaartaan bogaga Wargeyskiisa oo bilihii u dambeeyey kiro  u joog ahaa, heshiis ay ku naas-nuujinayaanna uu ka rajaynayo inuu ka  helo, maadaama oo uu dawladii ku qaad-qaadayo. Haddii maqaalo uu wargeyka ku soo daabaco  oo eedaymo aan jirin xanbaarsan uu kaga  helayo, Wasiir Xirsina waxba kama qabo inuu u dul-qaato isagoo jecel inuu  iska xabkaysto, mar haddii uu     xog’ogaal u yahay   inaanu nafsiyan  xasilin xiliyada  jeebku ka jilicsan yahay.Waxase aan qormadan  ibo-furka ah ku  soo khatimayaa   ereyadii mugga iyo miisaanka lahaa ee laga guntay ALLE  naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuum-Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) ee ay ka mid ahaayeen:-
“Ninkii maalmo badan soo jiray
ee madaxu boosaystay
Ama inan rag maamuli yiqiin
wuu I maan garane
Miisaanna ima saari karo
Nin I maleeyaaye’e
 Ninkastoow halkii kula macaan
 ee ay muhato laabtaadu
Ee aanad madadaaladeed
igala maarmaynin
Iska soo mar waa kuu mubaax
Marinkaad doontaaye”
 
 
LA SOCO…………………………………
 
XIGASHO:Somaliland.Org

Leave a Reply