Watarka Iyo Mucjisada Biyaha Samsamka

0
2389

Biyaha Samsamku waxay markii u horraysey dhulka dushiisa ka soo bexeen markii Nebi Ibraahim (CS) uu xaaskiisii  Haajara oo ahayd hooyadii dhashay Nebi Ismaaciil  uu kaga Xaramka oo aan waagaasi lahayn biyo iyo baad midna, isagoo ah dhul cidla ah oo qarafo ah.
Wakhtigaasi oo Nebi Ibraahim (CS) uu kaga tegay Haajar iyo Nebi Ismaaciil goobtaasi cidla. Waxayna weydiisay Cidda uu kaga tegayo. Nebi Ibraahim wuxuu ku jawaabayaa ALLE  ayaan kaaga tegayaa.
Markii ay Haajara oo Nebi Ismaaciil oo yar haystaa ay haraadeen ayay kolba dhinac biyo ka raadisay iyadoo Safa iyo Marwa toddoba goor kolba dhinac u socotay.
Markii todobadii jeer dhammaadeen waxay la kulantay Nebi Ismaaciil (CS) oo biyo cagihiisa hoostooda ka soo baxayaan.
Magaca Ereyga Zam-zam waxa la yidhaahdaa  waa odhaahdii markii biyihii bateen ee ay dhagax iyo ciid is tidhi ku celi ayaa ku dhawaaqday, taasi oo noqday magac ceelka Biyahaasi ku jiraan.
Rasuulkeen Muxamed (SCW) wuxu yidhi :” Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbo”
Waxa kale oo Ibin Cabbaas (RC) Nebiga (SCW) ka weriyey xidiiskan hore oo faahfaasan:” Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbo, haddaad in Allah cafimaad kugu siiyo aad u cabto, Allah (SW) caafimad ayuu kugu siinayaa, haddaad inaad harraadku kaaga ba’o u cabtana waad ku haraad bixi Insha ‘ Allah”
Xadiiskan kale oo  Nebiga (SCW) laga weriyey  wuxu yidhi: “Biyaha Samsamku waa biyaha ifka ugu khayrka badan”
Dhinaca cilmiga iyo dhulka, biyaha dhagaxna waxa aad ula yaaban yihiin sida biyahani maxaa yeelay dhagaxeedu waa nooca aan biyhu kaydsan.
Waxa iyana jirta in taariikhdu  cadaysay  in wakhtiga abaaraha ay gudhi jireen dhammaan ceelasha kale ee Maka ku yaala  ee biyahoodu dhaw yihiin, laakiin biyaha Samsamku ay joogto yihiin, taasi oo cadaysay in biyaha Zamzamku yihiin mucjiso ay biyahoodu ka yimaadan meelo ka fog Maka.
Aqoon-yahanada dhulka iyo biyaha  dersay ayaa cadeeyay in biyaha Zam-Zamka u yimaadaan sida habku dhirtu biyaha u hesho oo kale.  Guud ahaan waa biyo mucjiso ah oo maanta ay dawo ka helaan dad badani sida qoraalo badan lagu sheegay.
Dhakhtar Jarmal ah ayaan isna cadeeyay in biyahani ay jidhka siiyaan awooda aanu hore u lahayn.
 

Leave a Reply