Xariirad Oo laga Bilaabay Hirgelinta Banaynta Jidadka Deegaankaas

0
622

Xariirad(Dawan)- Magaalada Xariirad oo ka tirsan deegaannada hoos yimaada gobolka Awdal ayaa laga bilaabay mashruuc jid baynayn ah, kaasoo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaankaas.

Sidoo kale, masuuliyiinta degmada ayaa hormood ka ahaa hirgelinta banaynta jidadka ee laga bilaabay magaalada Xariirad.

Jidka laga bilaabay banayntiisa degmada Xariirad ayuu dhererkiisu yahay 35 km, ganacsade Xaaji (Afweyne) oo ka mid ah ganacsadeyaasha deegaanka ayaa ugu deeqay jidkaas iyo banayntiisa 10.000 oo doolar.

Ganacsade Afweyene ayaa ka waramay baahida keentay in darafka buurta Girigo’an ee degamada Xariirad la dilaaciyo si loo helo wado ay maraan gaadiidka u kala gooshaya deegaankaas, “Waxaan wadadani u samaynay baahi timi, ka dib markii uu dooxii la marayay daad soo buux-dhaafiyay habeen iyo dharaarba,waxaan wadadan shaqsiyan ugu deeqay 10.000 oo doolar.”

Maayarka degmada Xariirad Abokor Xasan Guulleed oo goobtaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay fikirka ganacsade Muuse Afweyne uu ku bilaabay jebinta wadadaasi oo aad loogu baahnaa.

Bilowga wadadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dooxyadii la dhexmari jiray daadadka ay keeneen roobabka ka da’aya deegaankaas, taasoo caqabad ku noqotay isu socodka gaadiidka isaga goosha degmada Xariirad iyo gobollada kale ee dalka.

By: Maxamed Cawaale Daahir.

Leave a Reply