Imaam Axmed Binu Xanbal Allaha u naxariistee ayaa safar galay, markii uu gaadhay magaaladii uu doonayay, wuxuu habeenkii isku deyay inuu Masaajid ku yaalay magaalada seexdo.
Ninkii masaajidka ilaalinayay ayaa u sheegay in aanu seexan doonin masaajidka oo aan la ogolayn. Wuxu Imaamku u sheegay inuu yahay musaafir oo aanu garanayn meelo kale, laakiin ilaaliyuhu wuxu u sheegay in aan masaajidka loo ogolayn dad seexda.
Masaajidka waxa u dhowaa Moofo , ka dibna markii uu ka soo baxay ayuu la kulmay ninkii moofada lahaa oo arkayay wadaadkii oo debeda alaabta loo soo dhigay waxaanu u ogolaaday inuu moofadiisa seexdo habeenkaasi.
Ninkani moofada lihi markii uu shaqadiisa watay , wuxu akhriyay dikiriga (Astaqfuralaah) intii uu dubayay moofada oo dhan.
Imam Axmed Binu Xanbal ayaa ku yidhi ilaa goormaad dikirikan waday , wuxuuna ugu jawaabay wakhti badan.
Wuxu ku yidhi miyaanad daalayn .. Wuxuu ninkii Moofada ugu jawaabay waan bartay. Imaamkii wuxu waydiiyay maxaad natiijo kala kulantay? .
Wuxu ugu jawaabay wax kasta oo aan Allah weydiisto waan helaa. Ilaa hal mid mooyee. Taasina maxay ahayd wuxuuna ugu jawaabay waxaan Allah waydiistay inaan arko Imaam Axmed Binu Xanbal taasina weli ma helin.
Imaamk ayaa ugu jawaabay dikirigaaga ayaa halkan I keenay oo masaajidka la iiga soo saary oo aniga oo lugaynaya la iigu kaa keenay moofadaada.