Madaxweynaha Oo Shahaadooyin Guddoon Siiyay 416 Arday Oo ka Aflaxay Jaamacadda ADMAS

0
462

Hargeysa, (DAWAN) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  shalay shahaadooyinkoodii gudoon siiyay Dufcadii Lixaad  ee ka qalin-jabiyey jaamacada ADMAS ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu dhamay 416 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Munaasibadan lagu sagootinayey ardayda dhamaysatay waxbarashada kuliyadaha kala duwan ee jaamacadaasi ayaa xaflada qalinjabinta loogu sameeyey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana kala qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Masuuliyiin ka socotay safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland, Wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kala duwan.

Dufcadan Lixaad ee ka qalinjabisay Jaamacada ADMAS  ee magaalada Hargeysa ayaa bartay takhasusaad kala duwan oo ay ka mid yihiin kulliyadaha ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning, iyo takhasusyo kale.

Munaasibadan qalinjabinta ardayda dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada ADMAS oo ku labisnaa dharka qalin-jabinta jaamacadaha oo kulliyad kastaaba ay xidhnay labis midab gaar ah leh, ayaa waxa aad wajiyadooda ka dheehanaysay jawi farxadeed, oo ay la wadaagayeen waalidiinta iyo masuuliyiinta qaranka. Ugu horayna waxa madaashi ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey sooyaalkii ardaydan qalinjabisay iyo xidhiidhada jaamacadu la leedahay jaamacadaha caalamiga ah, Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS ee Hargeysa, Ixsaan Cumar Ismaaciil, kaas oo sheegay in ardaydan qalin-jabisay ay dhamaysteen takhasusaad kala duwan oo ka badan 10 kulliyadood, waxaanu gudoomiyuhu sheegay inay jaamacadu bilawday heerka Post Graduate, isla markaana jaamacadu ay xidhiidh la leedahay in ka badan 5 jaamacadood oo caalami ah.

Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS Mr Ixsaan waxa uu ardayda ku booriyey inay waxbarashada halkaa ka sii wadaan maadaama oo ay maanta qaateen waxbarashada heerka koowaad ee first degree-ga ah.

Mr. Ixsaan waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Ugu Horayn waxaan halkan uga hambalyeynayaa ardayda ka qalinjabinaysa Batch-ka lixaad ee Jaamacada ADMAS iyo waalidiintii iyo macalimiintii ku soo tacabtay, dhamaantiin waxaan idin leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

Waxa aynu maanta u fadhinaa dufcadii lixaad ee qalinjabinta Jaamacada ADMAS oo ka kooban 416 Arday, kuwaas oo ka qalinjabinaya kuliyadahan soo socda, ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning, iyo kuliyado kale.”

“Mudane Madaxweyne, Jaamacadan waxa lagu bilaabay afar qaybood ama kuliyadood, hadana wada ay marayaan ilaa iyo toban waaxood, waxa xusid mudan in jaamacada ADMAS ay bilawday sanadkii aynu soo dhaafnay waxbarasho heer post graduate diploma ah oo imika ay simister-kii ama bilihii u dambeeyey ay marayaan, waxa kale oo noo qorshaysan in bilaha soo socda aanu bilawno academic master ah oo manhajkiisu dhamaystiran yahay. Xidhiidhka Caalamiga ah, jaamacadu waxa ay xidhiidh la leedahay ilaa iyo shan jaamacadood oo caalami ah,” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS Mr Ixsaan.

Waxa kale oo isaguna Madashaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaas oo hambalyo u diray ardayda ka qalinjabisay jaamacada ADMAS iyo waalidiintii, macalimiintii ku soo tabcay, waxaanu madaxweynuhu ilaahay uga baryey ardaydaasi inay noqdaan kuwii  anfaca dadka iyo dalkaba.

“Salaan  ka dib ardayda   qalin jabinaysa Jaamacada ADMAS University qaybteeda Hargeysa  macalimiinta, waalidiinta iyo shaqaalaha  la shaqeeya jaamacadda,  waxaan u soo jedinayaa mahad-naq aad u balaadhan, waxaan ardayda  qalin jabinaysay  leeyahay noqda kuwii uu dalkan iyo dadkoodaba anfaca, waxaan aad ugu faraxsan nahay oo ku faanaynaa heerka aad waxbarashada ka gaadheen. waxaan hubaa oo ku rajo weyn nahay in aad noqonaysaan oo aad tihiin dadkii mustaqbalka  dadka iyo dalka hawlihiisa wax badan ka beddeli lahaa dhinacyo badan oo laga eego, waxaan idin leeyahay soo dhawaada, oo guuleysta,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shacbiga inay ilaalinta nabad-gelyadda iyo qaranimadda Somaliland meel looga soo wada jeedsado, waxaanu yidhi  “Waxaan idin leeyahay dalka aynu  u soo wada jeedno, nabadiisa iyo horumarkiisa. ILAAHAY  waxaan innooga baryayayaa horumar iyo guul inaynu gaadhno”

 Waxaanu Madaxweynuhu intaasi ku daray inay dhalinyaradan ku faanayaan, isla markaana waxa uu ku booriyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan maadaama oo ay yihiin mustaqbalkii dalkan iyo dadkan.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo dhalinyaradii qalin-jabinaysay uga digtay qabyaalada waxaanay tilmaantay in qabyaaladu ay bar madow ku noqon doonto hiigsigooda iyo mustaqbalkooda hadaanay ka taxadirin.

“ALLE ha innoo siyaadiyo nimcadaa aynu dalkeena Somaliland ku haysano ee madaxweyne iyo madax kaleba aynu kula ciidayno ardaydeena qalin jabinaysa, waxaan leeyahay  ardayda wakhti adag baa idin sugaya oo marka ay arday intaa le’eg qalin-jabiso, waxaa suuragal ah in aanay deg-deg shaqo u wada helin, waxaase dhammaanteen sharaf inoo ah sidaa la idinla dadaalayo oo uu madaxweynihii qaranka uga soo qaybgalaayo, xafladiina, waxaanu dhammaanteen   oo uu madaxweynaha  Somaliland hormood noogu yahay diyaar idiin la nahay in aanu wax idin la qabano oo tallo iyo tilmaan idin siino.

Dhaqaalaha  Somaliland waad og tihiin oo intii uu kari karo waxba hagran mayno,” ayay tidhi Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam  Cabdi Aadan.

 Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xaaji C/Kariim Xuseen Yuusuf (Waraabe), kaasi oo madaashi ka soo jeediyey dardaaran iyo duco waayeel, waxaana halkaasi jaamacada ADMAS markii koowaad ay Xaajiga ku gudoonsiisay Shahaado Sharaf abaal marin ah, iyadoo jaamacadu halkaasi kaga dhawaaqday in Xaajigu uu jaamacada sanad walba ku yeelan doono hal qof oo waxbarasho bilaash ah la siin doono.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in wixii xukuumada ka dhiman ee qabyo ka ah loo sheego taas oo ay ku jirto danta xukuumadu, waxaanu kula dardaarmay in aanay mucaaridka u arag cadow balse wixii ay ku dhaliilaan ay hagaajiso.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay  Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade kaas oo madashaasi qalinjabinta kaga hadlay diiwaangalinta madaniga ah ee wasaaradiisu ay ku hawlan tahay, isla markaana tilmaamay in ay u qorshaysan tahay in bisha lixaad qof waloo Somalilander ahi uu yeesho dhalasho.

Leave a Reply