Xisbiga WADDANI Oo Ku Baaqay In Dagaal Hubaysan Lagu Qaado Xukuumadda Somaliland WADDANI Oo Ummadda u Soo Bandhigay Nacaybka uu u Hayo Beesha Madaxweynaha

0
482

Hargeysa(DAWAN)-Hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in shacbiga Somaliland u diyaar-garoobaan  dagaal khasaare dhimasho keena oo   lala galo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ummadda reer Somaliland aqlabiyadda ku doorteen.

Xisbiga WADDANI waxa uu  sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray  Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaas Axmed Muumin Seed,  waxaanu shacbiga ugu baaqay inay dagaal la galaan dawladda madaxweyne Siilaanyo, taasi oo ah fadeexaddii ugu foosha xumayd ee ay cagaha la galaan xisbiga WADDANI oo ay isteerinka u hayaan  siyaasiyiin dadweynuhu baran waayeen magacyadooda oo jecel inay ku caan-baxaan naqdiga indho la’aanta ah iyo qadafka joogtada ah ee ay ka galayaan milgaha qaranimadda Somaliland.

Waxa kale oo dhawaaqa dhiilada leh oo ka soo yeedhay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI ay muujinaysaa in siyaasadda xisbigaasi ay jaan-goyso hadaaqyadda dhengagaalaha iyo fadhi ku dirirka oo ay u haystaan inay ku helayaan iimaanka iyo kalsoonida bulshadda.

 “Somaliland waa loo soo dhintay  maantana waxay taagan tahay in la difaaco oo markale loo dhinto si ummada looga kor qaado nidaamka kaligii taliska ah ee wadaadada  xagjirka ah lagu wareejiyey. Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka  ahna iska dulqaadan,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xarunta dhexe ee WADDANI oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi oo ku caan-baxay in aanu dabuubtiisa marin qeybta shaandhada ee maskaxda hase yeeshee ku faraxsan uun inuu warbaahinta laga maqlo magaciisa iyo sawirkiisa.

 Mr. Seed oo hadalkiisa sii watay waxa uu  isku dayay inuu majaro habaabiyo bulshadda, waxaanu ku dooday in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dalka kaga dhawaaqay mansab raysal wasaarenimo, taasi oo ah mid waxba kama jiraan ah oo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay faafinayeen siyaasiyiinta xisbigaasi “Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan  maadama oo madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin  madaxweyne Axmed  Siilaanyo, wuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirrada) kaas oo ah  sharci darro isla markaana xad-gudub ku  aha dastuurka iyo shauruucada dalka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay.”

 Waxa kale oo xisbiga Guddoomiye Cirro ay weerareen beesha Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yidhi war-saxaafadeedkii ay soo saareen  “Madaxweyne cid aqbalaysaana ma jirto madaxweyne , gudoomiye guurtida, iyo Ra’iisalwasaare ilamadeera ah. Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo kiil iyo isku dul noolaansho baal marsan awood qaybsigii Somaliland ku heshiisay ee shirwaynihii ka dhacay boorama.”

 Marka la eego war-saxaafadeedka rasmiga ah ee ka soo baxay xisbiga WADDANI, waxa soo baxaysa heerka ay ka gaadheen af-xumada, qaran-dumisnimadda iyo naxliga ay  ugu buuxaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland, waxaana lagu yidhi “Waxaan cod dheer ugu sheegaynaa Siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha guurtida  oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee aad adeerka u tihiin,  ummada Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hogaaminta Jamhuuriyada Somaliland ee ha aas Qaran seegina  Da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabudhinta, Afduubka, Xasilooni darrada, ee Cadaalad  Darrada qaawani Hoyga u noqotay WAAR ILLAHAY IYO ADOOMIHIISA KA BAQA.”

 Akhristeyaal bal sii dhugo ducfiga iyo naxliga siyaasadda xisbiga WADDANI ku dhisan tahay  ee ay ku doonayaan inay dadka ku kala geeyaan. “Siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen bariga dalka sidaad wada ogtihiin  waxaa dowlad ka samaystay  Cali khaliif Galaydh  xukuumada Siilanyana  way   ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa  inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.

1.     Mar hadii salaadiintoodi  la dhagaysan waayey.

 2.     Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay ( wasiira wasiirrada)

Madaxweyne  Siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan  loo la xisaabtamin  mustaqbalka,”ayaa lagu bayaamiyay  war-saxaafeedka WADDANI.

 Mr. Seed oo shaambad fadeexadeed ku dhufanayay xisbigiisa ayaa ribeeyay madaxweynaha Somaliland oo uu ku eedeeyay inuu ku dhawaaqay raysal wasaare, arrintaasi oo ah dacaayad la soo tifaftiray “Afka carabiga  waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare ingirsigana Prime minister Somaalilgana Wasiirka Wasiirrada  ama wasiirka koowad  sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta  wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali  Ra’iisal wasaare sharci darro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin  in ay gacanta iskula tagaan.”

 Waxaanu akhristeyaashayadda halkan ugu soo gudbinaynaa hadalkii fasiraada khaldan lagu dhuftay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Axadii la soo dhaafay ka jeediyay kulan uu la yeeshay badhasaabadda iyo Maayirrada dalka oo lagaga hadlayay dar-dar gelinta iyo u diyaar-garowga diiwaan-gelinta madaniga ah ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhawaan.

 “Badhasaabadda gobolladda iyo maayaradda magaalooyinka dalka, marka hore aad baan idiin soo dhawaynayaa,  waxa aad u sharaxay ahmiyadda ay diiwaangelintu leedahay Wasiirradda(Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxtooyadda) halkan ka hadlay,  diiwaan gelinta muwaadiniintu waa hawl qaran, oo waa waajib marka hore la inooga wada baahan yahay dhamaanteenba oo inoo wada taala, nabadgeliyadda iyo ilaalinta wada jirkana aad ayay muhiim ugu tahay.  markaa hawshaasi wixii looga baahnaa wasiirrada ayaa aad u sharaxay,   waxaan Illaahay  ka rejaynayaa in sida la idiinku sheegay ee la idiinku faahfaahiyay in aynu kuligeen ka wada hawlgalno,  oo aynu  meel uga soo wada jeedsano,  oo hawshaasi waa hawl qaran’e    aynu xil iska saarno inay noqoto ayaan Illaahay  inooga  rajaynayaa. waxaan leeyahay markaa Insha  Allaahu tacaalaa xilka iyo waajibka hawshaasi innaga wada saaran,  aynu ka soo wada baxno,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, kuma jirto hadalkiisa kalmadda WADDANI warbaahinta ku faafiyay ee ah (WASIIRKA WASIIRRADA)

Leave a Reply