Wasiirka Maaliyadda Oo Lagu Majeertay Kaalintii uu ka Qaatay Hirgelinta Basaboorka Cusub “Lacagta ka Soo Baxda Baasaboorkani waxay Toos u Geli Doontaa Miisaaniyadda Qaranka”

0
410

HARGEYSA (DAWAN)- Wasiirka Maaliyadda  Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaalle, ayaa sheegay in baasaboorka casriga ah ee dalka laga hirgeliyay uu Somaliland ka dhigayo mid ka mid ah  qarramadda   u digo-rogtay isticmaalka dukumantiga socdaalka ee la jaan-qaadaya tignoolajiyadda casriga ah ee adduunka.

Wasiir Samaalle oo  juhdi balaadhan oo lagu amaanay  u galay  hirgelinta baasaboorka cusub ee E-Passport-ka loo yaqaano oo miisaaniyadda dawladda laga saaray kharashkii lagu soo iibiyay agabka casriga ah ee lagu samayn doono baasaboorkan, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ALLE ku guuleeyay inay wax weyn ka qabatay horumarinta laanta socdaalka iyo baasabooradaba.

 Wasiirka maaliyadda  C/casiis Maxamed Samaale waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xafladii shalay lagu shaacinayay baasaboorka cusub ee dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Farxad weyn ayay maanta (shalay) inoo tahay in dalkeenan Somaliland  oo maalin walba tallaabo sii qaadaya horumar ah in aynu xafiiskan aad iyo aadka u qiimaha badan leh  ee ay leedahay  laanta socdaalka Somaliland furno.  kaasi oo runtii intii ay xukuumadeenan Kulmiye jirtay la dhisay, xafiiskani oo ay yaalaan  qalab caalami ah, oo wax allaale iyo waxa maanta dalka soo gala xafiiskan ayuu yaalaa oo laga heli karayaa, qof kasta oo Somaliland soo galay ama ka baxay  xogta macluumaadkiisa xafiiskan socdaalka ayaa laga helayaa.”

Wasiir Samaalle waxa uu sheegay qalabka cusub ee loo soo iibiyay xafiiskan baasaboorada casriga ah bixinaya uu kaalin wax ku ool ah ka geysan karo sugidda ammaanka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Haddii qof dalka dambi ka galay aynu baadhayno oo uu dalkeena soo galay xafiiskan ayaa loogu imanayaa, qalab cajiib ah ayaa yaal, dhisme wanaagsan ayaa u dhismay,  intii aynu talladda dalka xukuumaddani haysay ayuu horumaray, maanta waxaynu halkan u fadhinaa in aynu furno xafiiskii gaarka u ahaa bixinta baasaaboorka Somaliland ee loo yaqaano E-Bass port, waana markii koowaad ee ay Somaliland yeelato baasaaboor noocan oo kale ah, sanadkii 2013-kii ayaynu miisaaniyadeenna ku darnay in aynu Baasaaboorkani samaysano, horaantii sanadkan ayaana dalka la keenay, shirkadii hawshaasi qabatayna  aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa,  markaa maanta (shalay) laga bilaabo waxaa dalkeenna ka hano qaaday E-Pass port oo la mid ah Baasaabooradda caalamiga.”

Wasiir Cabdicasiis Samaalle waxa uu sheegay  in dhaqaalaha ka soo baxa bixinta basaboorka casriga ahi ay ku dhici doonto miisaaniyadda qaranka, waxaanu yidhi “Lacagta ka soo bixi doonta qaadashadda Baasaaboorkan laga bilaabo maanta waxay si toos ah u geli doontaa miisaaniyadda dawladda lacagtii lagu sameeyayna miisaaniyadda dawladda ayay ka baxday, wixii hadda ka dambeeyana waxaynu la mid nahay umaddaha adduunka ee isticmaala  baasaaboorka elegtarooniga ah. waxaanan rejyanyaa in E-Passport-ku uu ka qayb qaato ama door ka qaato ictiraafka ay Somaliland raadinayso.”

Geesta kalena, Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha laanta socdaalka Somaliland ayaa si weyn ugu ammaanay wasiirka maaliyadda dedaalkii uu u galay sidii loo fududeyn lahaa dhaqaalihii ku baxay hirgelinta baasaboorkan cusub, waxaanay tilmaameen inuu taageero buuxda oo joogto ah la garab taagnaa illaa markii la keenay baasaboorkan.

By: Cumar M.Faarax

Leave a Reply