Waa Maxay Kalluunka Qalinka Ahi?

0
623

Waa xansharaad bilaa baad ah ,iftiinka dhibsada,midabkiisu qalin yahay (anba dahabi ah) waa xansharaad qadiimi ah oo dharerkiisu yahay 12 millimitir.Kobcintiisu waxay qaadata muddo 1 sanno ah.
Waa cayayaan jecel meelaha diiran iyo meesha qoyan,waxaana  badanka lagu arkaa musqulaha,jikada iyo meelaha la mid ah.
Kalluunkaasi waxa uu banaanka usoo baxaa habeenkii waxaa  naaneys loogu saarey ”habeen socod” waana xansharaad aan xanaaq lahayn.
Iftiinka ayuu dhibsadaa wuxuuna jecelyahay meelaha mugdiga ah matalan jikada,musqusha (suuliga) iyo armaajooyinka jikada (kabadhada) hoostooda iyo meelo kaloo badan.
Waxa uu xansharaadkaasi ku noolyahay waxyaaba sonkorta leh ambase macaan.Musqusha oo kale wax la cuno sida uu uga helo wey adagtahay.Musqusha waxuu ka cunaa waxa saabuunta ka hadha iyo dufanka anba dhagdhaga dhulka uu ka helo.Marka uu cayayaankaasi  jikada joogo waxa uu heli karaa raashin uu ku noolaado isaga oo ku tarmaya bey´adda uu quud ka helayo.Waxaa muhiim ah inaad mar walba guriga iska nadiifiso si aad uga hor tagto tarankiisa.Si kasteba ha ahaato kalluunkaasi ma aha mid tarankiisu badanyahay.

Leave a Reply