Obama oo Taageero u Raadinaya Ballaadhinta Dagaalka IS

0
709

Madaxweyne Barack Obama ayaa kulan la yeeshay  hoggaamiyeyaasha kongaresska si uu uga warramo, islamarkaana u  marsiiyo   inuu  sii ballaadhiyo howlgallada milateri ee ka dhanka ah maleeshiyada dawladda islaamiga ah ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Waxa uu kala munaaqishoonayaa istaraatajiyadiisa hoggaamiyeyaashiisa labada xisbi isaga oo shalay kula kulmay Aqalka cad.
Wadahadalladan ayaa ka soo hormaraya khudbadiisa qaran ee uu jeedinayo habeenimada Arbacada.
Ma kala cada weli inuu madaxweynuhu doonayo inuu uga raadsado awood koongaresska kordhinta doorka milateri.
Kulankan dhacay Salaasadii waxa uu ku soo beegmay sannad kadib markii ay kongerasku ka hor istaageen Mr         Obama inuu gantaallo ku weeraro Siiriya.

Leave a Reply