Guddida Dhaqaalaha Wakiiladda Oo ka War-bixiyay Kormeer ay ku Tageen Kastammada Dalka

0
440

Hargeysa(Dawan):- Xubno ka mid ah guddida dhaqaalaha Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa kormeer ku tegay goobaha dakhli uruurinta Somaliland qaar ka mid ah, kuwaasoo ay soo eegeen sida ay u shaqeeyaan Kastamyada dakhli qabashada Somaliland ee Wasaaradda Maaliayadda iyo sida loo soo xareeyo canshuuraha dalka ka soo xerooda.

Xildhibaannada ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ee kormeerka shaqo ku tegay qaar ka mid ah Kastamyada dalka,ayaa waxaa war saxaafadeed ka soo saaray uu kaga hadlayo sida ay u shaqeeyaan ilaha dakhli qabasho ee Somaliland iyo hannaanka ay u soo xerooto canshuurta dalku Xildhibaan   Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle].

War saxaafadeedka Xildhibaan   Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle] oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta Wargeyska Dawan,ayaa u qornaa sidan.

Anigoo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada, waxaanu aniga iyo xubnaha guddidu maanta [9 September, 1014](shalay) booqasho xogogaalsi ah ku tagnay laba ka mid ah kasamada ugu baaxadda weyn dalkeena oo kala ah kastamka Kalabaydh iyo Kastamka Wajaale.

Ugu horrayn, guddidu waxay kormeerkooda ka bilaabeen Kastamka Kalabaydh halkaasoo ay nagu qaabileen hawlwadeeno uu horkacayey Maamule-ku-xigeenka Kastamka Mudane Axmed Maxamed Habbane oo noo sharray qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay marayso hawsha dakhli ururintu.  Warbixinta Mudane Habbane na siiyey waxay ahayd mid dhammantayo na soo jiidatey taasoo muujineysa sida xawliga ah ee Dakhli ururintu kor ugu kacday iyo, sidoo kale, sida Wasaaradda Maaliyaddu uga hawlgelisey kastamada aqoonyahanadii ka soo baxay Jaamacadaha dalka.  Tusaale ahaan, waxaa noo caddaatay in Mudane Habane laftiisu ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qalinjebisey Jaamacadda ADMAS, iyadoo sidoo kalena ay kastamka ka hawlgalayeen xubno kale oo ka mid ah aqoonyahanadaas dhallinyarada ah.  Dhanka kale, Xagga Dakhli Ururinta, sida nooga soo baxday kormeerka aanu ku joogney Kastamka Kalabaydh waxaa muuqda isbeddel lixaad leh oo la taaban karo oo kor loogu qaaday Dakhliga.  Tusaale ahaan, markii aanu isbarbardhig ku samaynay dakhliga bilaha January [Koowaad] iyo February [Labaad] ee labada sanadood ee 2013 iyo 2014 waxaa noo caddaatay in dakhligu kor u kacay bishiiba [bilwalba] lacag dhan SlShs 3,000,000,000 ilaa 4,000,000,000 [waa 3 ilaa 4 billion oo shilin!].  Bal eeg, bishii koowaad [January] ee sannadkii 2013 Dakhligu wuxuu ahaa Shs 10 Billion, halka sannadkan 2014 ee bisha koowaad uu noqday Shs 14 Billion.  Farqiga u dhexeeyaa wuxuu noqonayaa Shs 4 Billion.  Labadaas bilood marka la is gudub dhigo oo la isku dhudhumiyo waxaa soo baxaysa korodhsiimo dhan Boqolkiiba Afartan [40%].  Waxaynu garan karaynaa inaanay ahayn arrin ‘cir-ka-soo-dhac’ ah oo iskeed isaga timide, ay tahay hawl aan laga midho dhalin kareen haddaan loo wada guntan. Waa qodob Guddi ahaan naga mudan in aanu ku hambalyayno Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Samaale, Wasaaradda Maaliyadda Guud ahaan iyo gaar ahaan Maamulka iyo shaqaalaha Kastamka Kalabaydh.

Sidoo kale waxaanu ogaaney in dabagalka iyo hantidhawrka dakhligu si fiican u socdo iyadoo uu muddo dhawayd Kastamka baadhis ku sameeyey Hantidhawrka wasaaraddu.

 Goobta labaad ee aanu kormeerka ku tagnay waxay ahayd Kastamka Wajaale.  Waxaa halkaa nagu qaabilay, islamarkaana aan uga mahad celinayaa, Maamulaha Kastamka Wajaale Mudane Ibraahim Nuur Cali [Ibraahim Caafimaad] iyo hawlwadeenada kastamka. Waxaanu booqashadan ku ogaanay in dakhliga iyo shaqaalaha Kastamka Wajaale, labaduba, kor u kaceen.  Tusaale ahaan, June 2013 dakhliga soo xerooday wuxuu ahaa Shs 513 Million halka June 2014 dakhligu noqday Shs 819 Million, labadaas waxaa u dhexeeya faraq [korodhsiimo] dhan Shs 306 Million taasoo ina tusaysa in dakhligu kordhay boqolkiiba lixdan [60%].  Waxaan mahad balladhan u jeedineynaa Wasiirka, Wasaaradda iyo maamulka iyo shaqaalaha kastamka Wajaale.  Waxaa u baahan in Guddida iyo Wasaaraduba iska arkaan sidii dhismaha Kastamka Wajaale loo casriyayn lahaa iyadoo ah barta ugu horreysa ee laga soo galo marka dalka Ethiopia laga yimaado ayna noo muuqatay in kastamka Wajaale u baahanyahay inuu helo  dhisme cusub oo la fac ah kaalinta uu inoogu jiro

Ugu dambayntii, waxaan muran ku jirin haddii Wasaaradda Maaliyaddu joogteyso tallabadan ay qaaday in xukuumaddu kaalin weyn ku yeelan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha.

Leave a Reply