Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay daah-furay qalabka iyo mishiinadda lagu samaynayo baasaaboorka casriga ah ee loo yaqaano (E-Passport) kaasi oo markii u horaysay si rasmi ah Somaliland uga hirgalay.
Qalabkan lagu samaynayo basaaboorkan casriga ah ee E-passport oo ay dalka keentay xukuumadda Somaliland oo qandaraas ku siisay shirkad gaar loo leeyahay oo magaceedda la yidhaahdo Horn of Africa Facilities Management Company, isla markaana ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, iyada oo qofkii u horeeyay ee qaatay baasaaboorkaasina uu noqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo shalay-na si rasmi ah loogu wareejiyay ciidanka laanta socdaalka.
Munaasibadii lagu daah-furay qalabka lagu samaynayo baasaabooradda cusub ee E-passport loo yaqaano oo ka dhacday xarunta dhexe ee laanta socdaalka Somaliland ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyadda, waxbarashadda, taliyaha laanta socdaalka, taliyaha ciidamadda booliska, maayarka caasimadda iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday shirkadda keentay qalabka lagu samaynayo Baasaaboorka cusub.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo hadal kooban ka jeediyay munasibadaasi lagu shaaciyay baasaaboorka cusub ee ay yeelatay Somaliland, ayaa ku tilmaamay hirgelinta qalabkan casriga ah iyo baasaaboorkan cusub in ay tahay tallaabo dhinaca horumarka loo qaaday oo xukuumadiisa u taabo-galay.
“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa cid kasta oo hawshani ka shaqaysay, tallaabadan maanta la qaaday, waxaan u arkaa tallaabo horumar u ah dalka Somaliland, waxaanan illaahay ka rejaynayaa in ay noqoto mid lagu guulaysto, dalkeena iyo umadeenana anfaca uu noqdo baasaboorkani,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Waran cadde, oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in qalabka lagu samaynayo Baasaabooradda uu yahay qalab aad u casri ah, isla markaana lagala soocon karro dhamaanba dadka xuduudaha dalka ka soo gelaya iyo sidoo kale tiradda iyo magacyadda dadka maalin kasta baasaaboorka qaadanaya.
Cali Waran Cadde, oo madaxweynaha sharaxaad ka siinayay qalabkan casriga ah ee lagu samaynayo Baasaaboorka cusub ee Somaliland (E-Bass port), waxa uu yidhi “Muddane madaxweyne, halkan aan maanta (shalay) fadhinaa waa xaruntii laanta socdaalka ee Somaliland, waa xarun balaadhan, waxaana yaalla qalab aad u casri ah oo dhamaanba dalka Somaliland marka aan anigu xafiiskayga joogo dadka madaarrada dalka ka soo gelaya aan halkaa ka daalacan karro, isla markaana dadkaasi soo gelaya magacyadooda halkan aan ka eegi karo, illaa askariga laanta socdaalku waxa uu qabanayo. Dabadeedna wax alla wixii Baasaaboor soo galay iyo wixii dad soo galay halkan ayaa lagu kaydinayaa madaxweyne.”
Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in hirgelinta hanaankan casriga ah ee loo samaynayo Baasaaboorkani ay dawladdo badani Somaliland ku amaaneen, isla markaana ay mid tahay meelaha ay Somaliland sida weyn horumarka uga samaysay.
“Dad badan oo caalamka ah oo aynu xidhiidh leenahayna waxay had iyo jeer meelaha ay sida aad ka ah ula dhacsan yihiin sida aynu wax uga qabanay ayay ka mid tahay laanta socdaalku, xuduudaha dalka oo dhan waxa ay ku leedahay xafiisyo iyo meel kasta oo dalka laga soo gallo. Madaxweyne sida aad og tahay waxa aynu ka hadalnay qaadashaddii kaadhka aqoonsiga Jinsiyadda ee Somaliland iyo Baasaaboorkan cusub, waana labadda wax ee jinsiyadda qofka cadeeya cidda uu yahay ee lagu aqoonsado. Baasaaboorkan casriga ah ee ay Somaliland samaysatay ayaa u kala baxaya (Diplomat-bass port), oo ah ka ay qaataan madaxda dawladda ee ay calamka ku marayaan, iyo ka loo yaqaano (service-bass port) ee ay qaataan shaqaalaha dawladu, iyo ka caadiga ah ee ay qaadanayaan dadweynaha caadiga ah ee reer Somaliland ee loo yaqaano (Ordinery-bass port)” ayuu yidhi Wasiir Waran Cadde.
Wasiir Waran-cadde waxa uu tafaasiil ka bixiyay sida aan loo foojari garayn Karin baasaboorkan cusub, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Baasaaboorkan cusubi waxa uu leeyahay qaybo faarro badan, iyada oo haddii la damco in ka hore laga gooyo oo si khalad ah loo qaato ma aqbalayo mishiinku ilaa aad ka koowaad qaadato, Haddii ka koowaad la qaatana, ma aqbalayo illaa ka saddexaad la qaato. Markaa haddii qof xaddo ama meesha lagala baxo mishiinka ayaa sheegaya wax dambe oo uu samaynayaana ma jirto ilaa kii ka horeeyay la hello. Waxa kale oo uu leeyahay Baasaaboorkani sawir qofka isha laga qaadayo,mid wejiga laga qaadayo iyo mid farta laga qaadayo.”
Cali Waran Cadde, waxa kale oo uu sheegay in dawladdo badan oo xidhiidh la leh Somaliland ay balan qaadeen in ay aqbalayaan in dalkoodda lagu tago baasaaboorka Somaliland ee cusub. Waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan lagaga kaaftoomayo hirgelinta baasaaboorkani cusub. Waxaanu yidhi “Waxyaabo badan ayaynu kaga kaaftoomaynayaa Baasaaboorkan cusub ee aynu samaysanay, dawladdo badanina waxay noo balan qaadeen in ay aqbalayaan, dalal badan oo imikaba qaata oo ina aqbalayna way jiraan.
waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan uga mahad celiyo wasiirka maaliyadda C/casiis Samaale, madaxweyne waa ninka bixiyay dhaqaalihii lagu sameeyay, si wanaagsan ayuu noogala hawl galay, kharashkiina wuu bixiyay, si wanaagsana way noogu suurto gashay, aad iyo aad ayaanan wasiirka maaliyadda ugaga mahad celinayaa, waxa kale oo aan u mahad celinayaa shirkaddii soo samaysay Baasaaboorkan cusub, iyada oo runtii wakhtigii aanu ugu tallo galnay ku keentay.”
Sidoo kale Maxamed Yuusuf, oo ku hadlayay magaca shirkadda soo samaysay baasaaboorkani cusub iyo sidoo kale keenidda qalabka mishiinadda ah ee lagu samaynayo Baasaaboradda, oo isna munaasiabdaasi hadal ka jeediyay ayaa mahad naq balaadhan u jeediyay cid kasta oo gacan ka siisay keenidda qalabkaasi iyo baasaabooraddaba oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Siilaanyo iyo sidoo kale wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda, Waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca shirkadda soo samaysay Somaliladn E-bass port, waxaan marka hore u mahad celinayaa Illaahay (SWT) ee nagu asturay xilkii uu qarankani lahaa ee aanu damaanad qaadnay in aanu ku guulaysano. Waxba ku dheeraan maayo inaan ka sheekeeyo qalabkani oo waad aragtaan, waxaanu keenay Baasaaboor leh dhamaanba astaamaha ay leeyihiin Baasaabooradda caalamiga ah ee dunidda maanta laga isticmaallo ee E-bass port loo yaqaano. Mar labaad waxa aan u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo fuliyay barnaamijkani iyo dhamaanba cidii kale ee nagala shaqaysasayna waan u mahad celinayaa, oo uu ugu horeeyo wasiirka maaliyadda, wasiirka Arrimaha guddaha, taliyaha laanta socdaalka, iyo sidoo kale dhamaanba cidii naga caawisay in aanu ku guulaysano keenista Baasaaboorkan iyo qalabka casriga ah ee uu ku shaqaynayo”.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka iftiimiyo ka sekow keenista qalabka iyo Baasaaboorka, waxa aanu tababarnay dhamaanba shaqaalaha laanta socdaaalka ee ka shaqayn doona bixinta baasaabooradda, kuwaasi oo uu tababarku u socday muddo, iyada oo qaadashaddii qandaraaska ay noogu jirtay, in aanu tababar siino shaqaalaha laanta socdaalka ee hawshani ka shaqaynaya, sidaas awgeed waxaanu u tababarnay shaqaalaha ka shaqayn doona arrintani. Shirkaddani oo magaceeda la yidhaahdo horn of Africa facilities management Company, waana shirkad ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, xidhiidh wada shaqayneed-na la leh shirkaddo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Gate Way iyo Delta oo ah Jarmal, oo aanu ka soo samaynay Baasaaboorkani , shirkadahanina waxay ka mid yihiin shirkadaha ugu horeeya aduunka ee sameeya qalabka lagu sameeyo Baasaabooradda, lacagta iyo dhamaanba qalabka lagu kaydiyo ama lagaga shaqeeyo macluumaadyadda dhinaca amaanka”.
Dhinaca kale Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay faa’iidada uu leeyahay basaaaboorkani elegtarooniga ah, kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ka tari ilaalinta nabadgelyada guud ee dalka, waxaanu tilmaamay in maanta ay dadka reer Somaliland ka maarmeen baahidii ka haysatay dhinaca baasaabooradda.
By: Khadar Cabdi Muuse