Bulshadda Oo Dagaalkii WADDANI ku Baaqay Ku Sifeeyay Bilowga Quusta ay ka Joogaan Shacbiga

0
530

Hargeysa(Dawan):- “Waa in uu caddeeyaa dambiga uu noo xambaariyay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo cidda wax Somaliland lid ku ah kaga dhawaaqaysa gobolka Awdal,” Sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay Muwliid oo ka mid ah dhalinarada Somaliland ee ku dhaqan  magaalada Boorame oo si dareenleh uga jawaab celiyay hadal ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI oo sheegay in gobolka Awdal lagaga dhawaaqi doono  maamul goboleed ku lid ah Somaliland.

Muwliid oo hadalkiisa sii wata isla markaana ka hadlayay sida uu u arko warka  uu soo saaray guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI, Axmed Muumin Seed,ayaa yidhi “Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta u dhalatay gobolka Awdal isagoo waliba ah masuulka labaad ee ugu sarreeya Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,markaa horta waxaa looga fadhiyaa in uu soo caddeeyo dambiga iyo qaran dumisnimada uu ku eedeeyay reer Awdal, waxaanan leeyahay Axmed Muumin Seed isagaa yidhi waxaa lagu dhawaaqayaa Maamul ka dhan ah Somaliland Gobolka Awdal markaa haddaanu nahay dhalinyarada reer Awdal waxaan qabnaa in uu isagu waxaa uu sheegayo soo wato oo  uu  doonayo inuu  Cali Khaliifaynayo taasina uma soconayso.”

Guud ahaan bulshada reer Somaliland ayaan u kala hadhin in ay ka jawaabaan isla markaana Xisbiga WADDANI ku tilaamaan Qaran Dumis tan iyo markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii  uu soo saaray Axmed Muumin Seed oo bulshada ugu baaqay in ay la dagaalamaan Xukuumaddooda ay sida sharciga ah u soo doorteen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Axmed Cabdilaahi  oo ka mid ah wax garadka magaalada Berbera oo ka dareen celiyay hadalka ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI iyo dagaalka uu abaabulayo,ayaa tilmaamay in Somaliland maanta ku jirto xilligii horumarka iyo wax wada qabsiga isla markaana aanay jirin belaayo loo  hub qaato oo maanta dalka ka taagani.

“Bulshada Somaliland ninka maanta dagaal ugu baaqaa waa nin dalka iyo dadka xumaan la doonaya oo ka xun halka aynu marayno iyo heerka aynu gaadhnay,waa la wada ogyahay in Xukuumadda tallada haysaa ay dalka ka hirgalisay horumarkii ugu weynaa ee uu dalkani gaadhi tan iyo la soo noqoshadii Madaxbannaanidiisa,haddaba, colaad oogista WADDANI waa mid xisbigooda ku kooban bulshaduna waxay diyaar u tahay in ay dalkooda  horumarkiisa kala shaqeeyaan xukuumaddooda ay doorteen,”ayuu si cadho leh u yidhi Axmed Cabdilaahi.

Waxaa si sidaa a mid ah uga hadlay hadalka ka soo baxay Xisbiga WADDANI Siciid Nuur  oo isaguna ka mid ah dhalinyada aqoon yahanka ah ee ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay Xisbi siyaasi ah oo u taagan in uu ka qay galo doorashooyinka soo socda ee wadanka  ka qabsoomi doona in uu yidhaahdo dalka waxaa ka taliya oo  loo gacan galiyay wadaaddo xagjir ah.

Siciid Nuur waxa uu ku dooday in dhawaaqa dhiiladda leh ee ka soo yeedhay Hoggaanka xisbiga WADDANI ay tahay jidkii u horeeyay ee ay ku dhadhamin doonaan awooda shacbiga, isla markaana ay shacbigu dhabarka u soo jeedin doonaan maalin aan maanta ahayn oo ay nugul yihiin, waxaanu yidhi “Horta Xisbiga WADDANI waxaan weydiin lahaa halka ay joogaan wadaaddada xagjirka ah ee tallada dalka loo gacan galiyay, mise waxaa uu Xisbiga WADDANI sidan u leeyahay waa quus uu ka joogo doorashooyinka soo socda, sidaa darteedna waxaa uu u hub qaatay in uu dalka tashuush galiyo,laakiin waxaan u sheegaynaa in bulshada Somaliland ay talladooda iyo hoggaaminta qaranka  u doorteen Madaxweyne iyo Xu-xigeen soo dhisay Xukuumad tayo leh oo dalka wax badan ka qabatay isla markaana la mahadiyay,hadaba WADDANI ha ogaado in ay nagu taallo fartii aanu kula dagaalami lahayn cid kasta oo Somaliland kala qaybisa,waxaanan leeyahay dagaalka uu WADDANI ku baaqay waa tii uu ku taageero waayi lahaa ee bulshadu kaga codayn lahayd.”

Marka la eego jawaabaha ay  ka bixiyeen bulshadda kala duwan ee Reer Somaliland hadalka iinta leh ee colaad hurinta iyo Qaran dumisnimadu ka muuqato ee ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI,ayaa noqonaya mid meesha ka saaray in Xisbigaasi uu kalsooni ka helo guud ahaan bulshada Somaliland isla markaana ka marag kacaysa quusta uu ka joogo in uu ka qayb galo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo dalka ka qabsoomi doona sanadka dambe.

Waxaa kale oo ay guud ahaan bulshada Somaliland u aragtaa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mid u taagan in uu iska horkeeno Xukuumadda iyo dadkeeda codkooda ku soo doortay laakiin taasi waxay noqotay mid lagu gartay oo aanay cidina ka hoos qaadayn,waxaanu isku dayay in uu kala fogeeyo bulshada reer Somaliland oo uu xilalka qaranka iyo masuuliyiinta haysa u kala saaray habab qabiil oo qarannimada ceeb ku ah.

Waxaa kale oo uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isku dayay in uu caalamka iyo Somaliland dareen shaki kala galiyo,taana waxaa daliil u ah marka uu leeyahay guddoomiye Seed dalka waxay taladiisu u gacan gashay waddaado xagjir ah, waxaanay rayul caamka bulshaddu isku waafaqsanayd in hadalkaasi istaahilo in siyaasigaas lagu horgeeyo maxkamad.

Laakiin waxaanu ogayn in Somaliland ay ka jirto Dawlad ay bulshada caalamka ka wada shaqeeyaan arrimaha nabad gelyada iyo xidhiidhka dawladeed ee heer gobol iyo caalam intaba.

Ugu dambayn hadalka Axmed  Muumin Seed haddii uu Xisbiga WADDANI isku wada raacsan yahayna waa dhabbihii uu ku taageero waayi lahaa oo toos ugu bilaabmay haddii uu yahay wax u gaar ah Seedna Bulshada Somaliland Xisbiga uu guddoomiye ku xigeenka u yahay ha ka raali galiyaan isna tallaabo ha ka qaadaan.

Leave a Reply