Xukuumadda Oo Dawladda Denmark Uga Warantay Mashruuca Biyo-qabatinka Gobolka Maroodi-jeex

0
436

Hargeysa (DAWAN)- Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax oo uu weheliyo wakiilka Somaliland ee dalka Denmark Mr. Mikeal ayaa Shalay kormeer ku tegay deegaanka Aburiin oo ay wasaaraddu ka wado hawlo wax lagu qabanayo dooxa Hargeysa mara oo goobahaasi ka soo bilaabma iyo wax ka qabasho lagu samaynayo nabaad guurka oo deegaankaasi saamayn ku yeeshay. Weftigan uu hogaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka socda wasaaradda Beeraha oo ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda wax soo saarka Ibraahim Cumar, Af-hayeenka wasaaradda Sacad Muuse Cabdi, waxaana sidoo kale ku wehelinayey safarkan masuuliyiin ka socda dalka Denmarka oo uu ka mid yahay wakiilka Somaliland ee dalkaasi Mr. Mikeal oo hor kacayey hay’ad DANIDA oo laga leeyahay dalkaasi iyo masuuliyiin ka socday sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF. 

Safarkan ayaa waxa ay weftiga ku soo indho indheeyeen wax ka qabashada beeraha deegaankaasi oo ay Wasaaraddu u qorshaysay in Biyo qabatin balaadhan iyo wax ka qabasho balaadhan oo lagu samaynayo nabaad guurka lagu sameeyo tuulooyinka hoos yimaada Degmada Faraweyne.
Agaasime C/laahi Ismaaciil Faarax ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedada safarkan iyo waxyaabaha ay soo qabteen intii ay safarka ku jireen. 

Agaasimaha oo faahfaahin ka bixinaya safarkan ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxa uu safarkayagani ku aadan yahay mashruucii biyo qabatinka ee dooxa Hargeysa qaybtiisa sare laga qabanayey ee ay ah qaybtii aanu ka helnay sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, kaasi oo aanu ka qabanaynay degmada Aburiin, waxaananu safarkan nagu wehelinayey wakiilka Somaliland ee dawladda Denmark oo doonayey inaanu soo tusno habsami u socodka mashrucan oo ay ka mid ahaayeen dawladdaha lacagaha ay Somaliland ugu deeqeen soo mariyey Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Taasi oo aanu soo tusaynay weftigan dawladda Denmark inta uu gaadhsiisan yahay dhaqaalaha ay noo deeqeen ama qiimaynta heerka uu wax u qaban karo beeraha deegaankaasi, iyada oo ujeedada labaad ee safarkayagu ahayd in marka aanu ku qancino qolooyinkan Danish-ka in dhaqaalaha ay noogu deeqeen aanay ahayn in ku filan halka wax laga qabanayey inaanu inay dhaqaalaha noogu kordhiyaan si wax ka qabashada Dooxa Hargeysa maraa halka uu ka soo bilaabmo si fiican u dhamaystirmo oo mashruucii intii loogu talo galay iyo dhaqaalaha ay u soo qoondeeyeen ay kala yaraadeen si ay u soo kordhiyaan ayey ahayd ujeedada safarkayagu.”
Agaasime C/laahi Ismaaciil Faarax ayaa waxa uu sheegay in markii ay arkeen weftigu sida ay u kala yar yihiin dhaqaalaha loogu talo galay iyo qorshaha wax ka qabashadu ay ku qanceen inay kordhiyaan dhaqaalaha wax lagaga qabanayo, waxaanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya “Markii ay weftigu nala arkeen qorshaha wax ka qabashada iyo dhaqaalahu sida ay u kala yar yihiin waa ay ku qanceen inay dhaqaalaha goobta wax lagaga qabanyo kordhiyaan, si ay u daboosho baahidii wax lagaga qabanayey deegaanka Beeralayda ah ee Faraweyne”.

 Agaasimaha ayaa sheegay inay rajaynayaan inuu mashruuca biyo Qabatinka Dooxa Hargeysa inuu noqdo mid guulaysta oo dalka oo dhan tusaale u noqda “Mashruuca biyo qabatinka Hargeysa waxa aan rajaynayaa in uu noqdo mid guulaysta oo tusaale u noqdo hawlaha biyo qabatinka dalka”.

Leave a Reply