Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo ah muddane ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay dagaalkii uu iclaamiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu ku dooday inaan dagaal kursi lagu helin.
Xildhibaan Warfaa waxa kale oo uu sheegay in aanu qof yaqaanaa dhibaatadda uu keeni karo dagaal, isla markaana aan dagaal kursi lagu helin, hase yeeshee kursiga lagu gaadhi karro doorasho iyo dimuqraadiyad. Sidoo kale xildhibaan Maxamuud ayaa ku tilmaamay dhawaaqa uu Axmed Muumin Seed ee ku aadan in madaxweynuhu raysal wasaare magacaabay xaaraan iyo gef badheedh ah, isla markaana ah been abuur aanay waxba ka jirin.
Maxamuud Jaamac Warfaa, oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay warbaahinta ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu ka cago jiidayo, isla markaana uu diidan yahay in la ansixiyo xeerka diiwaan gelinta muwaadiniinta oo muddo saddex todobaad ah horyaalla guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladda.
Waxaanu tilmaamay in guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee aqalka Wakiiladdu ay u badan yihiin xisbiga WADDANI, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dib u celiyaan xukuumadda, iyaga oo taasina u daliishanaya guddi hoosaadka dhaqaalaha ee wakiiladda oo markii loo soo gudbiyay miisaaniyadda dawladda dib u celiyay.
Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in xisbiga WADDANI uu mar kasta dawladda ku eedeeyo in ay dib u dhigayso doorashadda hase yeeshee iyada oo ay dawladdu soo diyaarisay xeerarkii diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha hadana uu xisbigoodii hortaagan yahay in xeerarkaasi loo gudbiyo golaha wakiilada si ay u ansixiyaan.
Isaga oo arrintaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha doorashooyinka xeerarkoodii oo baryahanba yaalay golaha wakiilada, gacantana ay ku hayeen guddi hoosaadka arrimaha guduhu muddo saddex todobaad ah, welina aan loo soo gudbin golaha, iyadda oo xisbiga WADDANI danaha uu ka leeyahay xeerkaasi isaga ah aan la ogayn, xukuumaduna saddex todobaad ka hor soo gudbisay oo ay ahayd in la horkeeno golaha si loo ansixiyo, arrinta xeerkaasi waxa ay maraysaa gudidda arrimaha guddaha oo uu xildhibaan Rayte gudoomiye u yahay in ay mudadda intaas le’eg haystaan, maantuna (shalay) ay ugu danbayso in cod ay u qaadaan gudidda arrimaha guduhu ka dibna madaxweynaha dib loogu celiyo si uu xeerkaasi meesha uga baxo ama u dhinto ama uu muddo u qaato, arrintaasi waan iftiiminayaa oo xeerkaasi waxa uu hor yaalaa gudidda arrimaha gudaha, maanta (shalay) ayaana la doonayaa in cod loo qaado, dabadeedna dib loo celiyo arrintaasina waa sharci darro, shuruucdana kuma qorna, waxay se u daliishanayaan gudidaasi markii gudidda dhaqaaluhu miisaaniyadda dib ugu celiyay dawladda, laakiin sharci ma aha taasi in ay daliishadaan”.
Waxaanu intaasi ku sii daray “Xisbiga WADDANI isaga ayaa mar walba ka hadla in xukuumadu dib u riixayso doorashooyinkii iyo diiwaangelintii codbixiyeyaasha, waxaanan leeyahay xukuumadu waa u diyaar, xeerkiina way soo gudbisay dawladu waxaana laga markhaati yahay in xeerkaasi uu xisbiga WADDANI dib u hayo, oo ay gudidda arrimaha gudaha oo xisbigaasi u badani ilaa imika horkeeni la’yihiin golaha si loo ansixiyo. Sidaas darteed, waxaan u iftiiminayaa umadda in aan marnaba xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu aanay arrintaasi masuul ka ahayn u jeedadda ugu weyn ee ay dawladu leedahayna ay tahay doorashooyinku inay wakhtigoodii qabsoomaan” ayuu yidhi xildhibaanku.
Xildhibaan Warfaa, mar uu ka hadlayay arrinta uu guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ku sheegay in madaxweynuhu raysal-wasaare magacaabay iyo dagaalka uu ku baaqay, waxa uu yidhi “Arrinta labaad ee aan doonayo in aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay hadalkii gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed uu ku hadlay ee ahaa in madaxweynuhu Raysal wasaare magacaabay, horta mar haddii aynu dad islaam ah nahay waa xaaraan been abuurku, madaxweyne iska dhaafe in qof hadalkiisa la bedelaa waa xaaraan, mida kale madaxweynuhu eray aanu odhan ayuu shir jaraa’id ka qabtay guddoomiye ku xigeenka WADDANI oo uu ka dhawaajiyay in madaxweynuhu Raysal wasaare magacaabay, qofnaba kama suurtogelayso waxaan sharciga inoogu oolin in uu yidhaahdo, markaa qofka islaamka ah hadalkiisa in la bedelaa islaamnimadda waa ku xaaraan. Mida kale ninkaasi wuxuu iclaamiyay in dagaal lala galo madaxtooyadda iyo xukuumadda, haddii la dagaalamo cid kaaga itaal darani ma jirto, dagaal waanad aqoone kumaad deg-degteen, sidaasina kursi laguma helo, kursiga waxa lagu tagaa dimuqraadiyad iyo doorasho dagaal laguma tago, dimuqraadiyaduna waa taasi aad xeerkeedii dabadda ku haysato, ee xeerka soo dhig golaha ha la ansixiyo, diiwaangelintii madaniga ahayd ha la qabto, tii codbixiyeyaashana ha la qabto, balse haddii aad adigu qayliso, wixii kuu suurto geli lahaa aad hor istaagto, adiga ayaa is qaribaya, iskana xumaynaya, haddii aad wax isla hayso oo aad doorasho helaysid umalayn maayo in aad doorasho sidan ku helaysid’e xeerka soo daa”.
Waxa kale oo uu xildhibaanku ka hadlay afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ibraahin Mahdi Buubaa oo sheegay in aanu madaxweynuhu xaq u lahayn in uu soo magacaabaan xisbiyadda mucaaridka ah ku soo celiyo xubnaha uga mid noqonaya Komishanka doorashooyinka.
waxaanu Md. Warfaa ku tilmaamay in xildhibaan Buubaa uu sharciga dalka iska indho tirayo isla markaana xubinta uu madaxweynuhu ku soo celiyay xisbiga Waddani oo ah Maxamed Cismaan Fadal laga wada war-hayo inuu hore u ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Waddani u qaabilsan isaga oo masuulkaasi dhawaan jagadaasi iska casilay.
Sidaas darteedna, aanu xubin uga noqon Karin Komishanka doorashooyinka maadaama oo uu jago ka hayay xisbiga, waxaanu xisbiga ku eedeeyay in uu dano gaar ah ka leeyahay sababta ay gudi hoosaadka arrimaha guduhu mudadda bisha ku siman golaha ugu soo gudbin waayeen xeerkaasi. “Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxa uu yidhi madaxweynuhu xaq uma leh in uu soo celiyo xubnaha mucaaridku soo magacaabaan ee la doonayo in ay Komishanka doorashooyinka galaan, waxa hore loo yidhi Alle doori afkana wuu yaqaan waana ka ag-naane, ma filayo xildhibaan Ibraahin in uu dalka ka maqnaa, ee wuu joogay, laakiin marka aad is indho tiraysid waa mid subxaanalle, madaxweyne Rayaale intaas oo qof ayuu soo celiyay, mida kale madaxweynaha sababta loo marinayaa gudidda cusub ee doorashooyinka in uu shaandheeyo ayaa la doonayaa, sharcigu wuu u ogol yahay madaxweynaha, waanu siinayaa awoodaasi, Daahir Rayaale wuxuu soo celiyay Maxamed Xaashi, ilhaan Maxamed Jaaamc iyo Xasan Siciid, intaba wuu soo celiyay, waxaana la yidhi waxay raacsan yihiin xisbi mucaarid ah, mida kale haddii aad Maxamed Cismaan Fadal u meel deyaysid kaa socon maayo Fadal, waayo annaga ayaa Komishanka la shaqayn jirnay oo aniga iyo Fadal Komishanka ayaanu wada joognay oo xisbiyadda u qaabilsanayn, anigu Kulmiye ayaan u joogay isna WADDANI ayuu joogay, oo miiska ayaanu wada fadhiyi jirnay, dooduna si wanaagsan ayay noo dhex mari jirtay. Markaa maanta in la yidhaahdo Fadal ayaa Komishankii la gaynayaa oo xisbiyadda dhex u ahaanaya macquul ma aha, taana in aad cid ku eedaysid ma aha, madaxweynuhuna isaga ayaa taasi xaq u leh, oo qofka uu u arko in aanu dhex ahayn wuu soo celinayaa” ayuu yidhi mudane Maxamuud Jaamac.
Dhinaca kale Xildhibaan Warfaa ayaa u soo jeediyay madaxweynaha in xubnaha gudidda doorashooyinku lagu soo xulin iyada oo la raacayo qaab beeleed, balse qofka lagu texgeliyo aqoontiisa, kartidiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa. Waxaanu yidhi “Madaxweynaha mid baan ka codsanayaa arrintaa Komishanka la bedelay ee cusub, waxaanan leeyahay madaxweyne ma aha Komishanka doorashooyinka in ay reero gaar ahi yeeshaan oo la yidhaahdo kaa reer hebel ayaa leh, reer hebelna kaasi ayay leeyihiin, umaddu waa u dhex, markaa madaxweyne cidii aqoonteeda leh, oo kartideeda leh, ee daacadnimadeeda leh in la geeyo weeye, laakiin in lagu soo xulo reer hebelna koodii ha keenaan, reerkaasina koodii ha keenaan, arrintaasi madaxweyne adigu maad bilaabin oo way jirtay balse waa mid qaldan, ee wax ka qabto.”
By: Khadar C.Muuse