Wasiir Cali Xaamud Oo Jawaab ka Bixiyay Dagaalkii WADDANI Iclaamiyay

0
436

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaymo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Wasiirka Madaxtooyada.

 Wasiir Cali Xaamud Jibriil, ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu gaf iyo meel-ka-dhac ku sameeyey qaranimada iyo shuruucda dalka Somaliland.

 Wasiir Xaamud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, isagoo dabasocday war uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga WADDANI Mr. Axmed Muumin Seed oo uu ku baaqay in dagaal  loo adeegsado sidii tallada looga  tuuro xukuumadda KULMIYE, waxa uu ku tilmaamay hadalkaasi mid ka horiminaya dastuurka qaranka.

 “Waxaan leeyahay Axmed Muumin Seed hadalka aad leedahay madaxweyne, Guddoomiye Guurti iyo ra’iisal-wasaare ilmaadeer ah, waxaan leeyahay dastuurka gef ha ka gelin wax badan baad halmaansan tahaye, Madaxweynuhu cid uu ra’iisal-wasaare u magacaabay iyo wax ka soo baxay toona ma jiraan, waana la ogyahay, Madaxweynaha ummadda ayaa dooratay oo waxa la siiyey muddo-xileed shan sanno ah, Guddoomiyaha Guurtida oo ah Md. Saleebaan hadda ka hor ayey Guurtidu dooratay markii uu dalka madaxweynaha ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin,”ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaashu.

Md. Cali Xaamud Jibriil oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Madaxweyne Siilaanyo ma magacaabo Guurtida, wareegtana kuma soo saaro ee Golaha Guurtidu iyagaa  ah Gole Baarlamaan oo ka madax banaan waaxda fulinta Sidaa darteed, hadalkaasi gef buu ku yahay qaranimada iyo ummadnimadaba, markaa waxaan leeyahay gefka, deelqaafka iyo war-xumo-tashiilka waa inaad joojiso.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dhawaaqa Axmed Muumin Seed uu sawir ka bixinayo siyaasad xumadda iyo kala fogeynta Beelaha Somaliland oo laf-dhabar u ah siyaasadda WADDANI.

By: Yoonis M.Jaamac

Leave a Reply