Xildhibaan Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Tallaabo ka Qaado Siyaasiyiinta Dadka Kala Fogeynaya

0
658

HARGEYSA (DAWAN)- Guddoomiyaha Guddi hoosaadka difaaca iyo nabad-galyadda  Golaha Wakiiladda  Md. Cabdi-kariim Aw Cali Shabeel,  ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ee WADDANI  Axmed Muumin Seed ee uu ku sheegayay in dagaal lagu qaaado xukuumadda  uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 Cabdi-kariim Aw Cali Shabeel ayaa waxa uu sidan ka sheega mar uu shalay warbaahita kula hadlayay xarunta golaha wakiiladda ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado ciddii ku kacda kala qaybinta shacabka Somaliland, waxna loogu dhimayo midnimadooda.waxaana uu ku tilmaamay dhawaaqa kasoo yeedhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga  WADDANI mid aan la aqbali Karin.waxaanu u soo jeediyay in uu ka waaantoobo ficiladda caynkaas ah  ee uu warbaahinta ka sheegay sarkaalkaasi.

 Xildhibaan Cabdi-kariim Shabeel oo ugu horan ka hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray waxa uu yidhi “Ama xisbiga WADDANI  masuuliyiintiisa ha noqoto ama dadka kale ha noqoto ee durbaanada beenta ah tumaya iyo baron-bagaadada wadda, waxaan doonayaa  in aan dareensiiyo marxaladihii uu soo maray dalkan Somaliland xukuumaddiisa goleyaashiisu iyo geedigii,waxaanay ahayd arrin taariikhdda ku cad oo adduunka oo dhammi ka warhayo oo naf iyo maalba baddani ku baxay.”

“Waxaanan leeyahay lama aqbali karo baronbagaadada wax lagu kharibayo ee lagu kicinayo dadka laguna kala qaybinayo umadda Somaliland oo maalin walba aad maqlayso arrin cusub oo khalkhal lagu galinayo dalka ,waxaanan leeyahay  arrintaasi maaha mid la aqbali karo wax wax lagu qaataanna way ina soo mareen,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Kariim  Aw Cali Shabeel.

 Xildhibaanku waxa uu baaq u jeediyay xukuumadda, waxaanu yidhi “Waxaan xukuumadda ku booorinayaa in dadka dhaqamadaas leh cid kasta hanoqotee ama cadowga gudaha hanoqdee  ama  dibadda  hajoogo ee doonaya in uu dhibaato kala dhex dhigo shacabka Somaliland waxa ku haboon in tallaabo sharciya laga qaado,waayo wax la aqbali karo maaha baronbagaadadu waxa ay ka mid tahay khataraha ugu waawan ee wax lagu dumiyo ee dadka afkaar khaldan lagu galiyo dawladahana lagu baabiiyo .”

By: Khadar M. Dhako