Diiga Lamborghini Maxaad Ka Taqaan?

0
551

Lamborghini waa diig ku nool dalkaasi Indonesia ,waana diig madow,gaar ahaana baalasha ilaa lafaha,jidhka gebi ahaan ilaa carabka ayaa ah iyaguna kuwo madow ah,waxaana magiciisa loo yaqaanaa digaagan Lamborghini,waxaanu noqday digaaga ugu qaalisan caalamka ,iyada oo uu sixir ahaan gaadhey qiimihiisu ilaa 2500 oo Dollar.
Waxaana loogu magcaabay magacan sicirka sare ee lagu iibinaayo ,waxa sidoo kale qaaliya hilibka digaagan,waxaanu baalashada u bedelaa marka ay cadceed kululi ku dhacdo mid akhtar ah,waxaana ku dhex jira madow,waana midab aad u qurux badan oo soo jiita dadka,gaar ahaana dadka dalxiiseyaasha ah oo aad ugu daawasho taga.
Waana mid ku caana dalkaasi Indonesia oo aan cid kale la wadaagin ,hilibkiisa ayaan noqday midka caalamka ugu qaalisa marka laga yimaado isaga laftiisa,isaga oo aan magacan ku qaadan oo keliyaata qiimihiisa sare laakin waxa uu ku darsaday muuqaalkiisa yaabka badan iyo qaababkiisa xariiriga ah ee uu lee yahay hodankana ku yahay.
 

Leave a Reply