Furfurnaanta Siyaasadda Miisaaniyadda iyo Korodhka Dakhliga Qaranka Ee Afartii Sanadood Ee La Soo Dhaafay

0
483

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle ayaa  dakhli miisaaniyadeedka qaranka ku guulaystay inuu gaadh siiyay halkii ugu saraysay 23-kii  sanadood ee Somaliland ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
 
Miisaaniyadda qaranka ayaa afar laab korodhay afartii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haysay tallada wadanka. Waxaanay suulisay wada shaqayn la’aantii ka dhaxaysay Golaha Wakiiladda oo ah Golaha xalaaleeya odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka.
Khamiistii todobaadkii la soo dhaafay waxa Golaha Wasiirradu ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2015-ka oo Wasiirka maaliyaddu horgeeyay miisaaniyadii ugu badnayd ee qaranku yeesho oo marka la isku daro miisaaniyadda dawladda dhexe iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah odoraskeedu dhan yahay $251,254.023.
Odoroska  Miisaaniyadda 2015-ka ee xukuumadda dhexe waxay dhan tahay $180,000,000 oo Dollar, halka ay sannadkan 2014-ka Miisaaniyadda Dawladda dhexe ka ahayd 152 Milyan oo Dollar. Farqi 28 Milyan oo Dollar ah ayay ka badan tahay Miisaaniyadii sanadkan, halka Miisaaniyadda hay’adaha madaxa banaan ee dawladuna lagu qadaray  $29,474,399 oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay miisaaniyada sanadkan waxay samaysay sare u kac lagu qiyaasay dhawr iyo afartan milyan oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay mudnaan gaar ah siisay kor u qaadista wasaaradaha waxsoosaarka sida beeraha, xanaanadda xoolaha kalluumaysiga iyo wasaaradaha fuliya adeegyadda bulshadda sida waxbarashadda iyo caafimaadka.
Waxa kale oo miisaaniyaddani ay ahmiyad weyn siisay sidii loo sii adkayn lahaa nabad-gelyadda iyo hay’adaha qaabilsan amniga ay u qoondeysay kharashaad u suurto-gelinaya inay ku fuliyaan waajibaadkooda shaqo. Waxa miisaaniyadan iyana ku jira kharashaadkii loogu tallo-galay in lagu fuliyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo madaniga ah, taasi oo qeyb ka ah in doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan badhtamaha sanadka fooda innagu soo haya  ee 2015-ka.
Wasiirka maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle waxa madaxweynaha iyo shirkii  Golaha Wasiirrada looga soo jeediyay ammaan la xidhiidha sida uu isagoo fulinaya himiladii madaxweynaha uu juhdiga ugu galay inuu dakhliga qaranka kor u qaado.
 
Waxa kale oo ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo suurto-gal ka dhigtay inay jabiso dayrkii wada shaqayn la’aanta ee u dhaxaysay Wasaaradda maaliyadda iyo Golaha wakiiladda, iyadoo wasaaradu ay si dhow oo furfuran ula shaqaysay Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda oo majeertay hanaanka maamul wanaaga ee wasaaradda iyo guud ahaan xukuumaddu ay u samaysay miisaaniyadda, taasi oo sababtay in shirgudoonka wakiiladu ay kal-hore Wasiirka Maaliyadda ku maamuseen shahaado sharaf ay sheegeen inuu ku mutaystay xiligii sharcigu jideeyay ka hor inuu ku hor keenay odoraska miisaaniyadda.
 
 
“Waxa Wasiirka maaliyadda lagu bogaadiyay in kor u kac dakhli miisaaniyaddu samaysay mudadii uu Wasiirka maaliyadda ahaa oo uu fuliyay amarkii Madaxweynaha ee la xidhiidhay in dalkani u baahan yahay inuu horusocdo maalinba maalinta ka dambaysa. Odoraska Miisaaniyadda oo Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, waxa loo gudbinayaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo waajibkooda ka gudan doona si bisha January loo galo iyadoo miisaaniyadii qaranku ay diyaar tahay. Waxa dhici jirtay xiligii xukuumadii ka horaysay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in miisaaniyadda Golaha Wakiiladda la horkeeni jirtay bilaha April iyo May, taasina waa horumar qaranku gaadhay in miisaaniyadda la diyaariyo xiliga sharcigu jideeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul oo khamiistii u warramayay warbaahintu.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply