Deeq la siinayo Dalalka ay Saameysay Colaadda Suuriya

0
507

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in Mareykanka uu kaalmo ahaan 500 oo milyan oo doolar uu siinayo dalalka ay aafeeyeen colaadda ka jirta dalka Suuriya.
Hadalkaasi ayuu ka jeediyay dalka Turkiga oo uu ku joogo socdaal uu ku marayo gobolka, kaasi oo taageero loogu raadinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Toban dal oo ka tirsan dunida carabta ayaa aqbalay in ay Mareykanka ka caawiyaan dagaalka uu kula jiro kooxdaasi daacish.
Balse Turkiga oo ah dalka kaliya ee ku yaala gobolka isla markaana xubinta ka ah gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay in aanu  taageero milatari siinayn mid ka mid ah garabyadaasi uu dagaalka ka dhaxeeya, sababtuna waxa ay tahay Turkiga waxa uu u baqay nolasha la haysteyaal dalkaasi u dhashay oo ay haystaan dagaalyahanada kooxda daacish.
Mareykanka waxa uu doonayaa in Turkiga uu adkeeyo xudduudihiisa si loo joojiyo tirada sii kordheysa ee islaamiyiinta ajaanibta ah ee ku biiraya kooxda daacish iyaga oo sii maraya dalkaasi Turkiga.

Leave a Reply