Aftida Scotland iyo Muranka Ganacsi

0
561

Muran ganacsi oo  hadheeyay aftida Scotland ayaa sii ballaadhay kadib markii la sheegay in ay ganacsatada muhiimka ah qaarkood qorsheynayaan in ay daabacaan warqad ka digaysa in ay qiimayaashu kor u kici doonaan haddii ay codbixiyeyaashu ku codeeyaan HAA ama madaxbannaani.
Wasiirka koowaad Alex Salmond ayaa macneeyay in ay faragelinta shaqsiyaadka ganacsigu tahay hanjabaad qaawan.
Haseyeeshee afhayeen u hadlay  David Cameron ayaa sheegay inuu ra’iisulwasaaruhu doonayo in ay daneeyayaashu  muujiyaan aragtidooda.
Dhinaca akale Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ugu waaweyn UK ayaa  hore ugu  baaqay   codbixiyeyaasha   in aan loo codeynin in ay Iskotland madaxbannaani ka qaadato dalka intiisa kale, iyaga oo ka ololaynaya xuduuda waqooyi ee dalka aftida laga qaadayo.
Ra’iisulwasaareDavid Cameron ahna hoggaamiyaha xisbiga Tory ayaa sheegay in ay noqonayso dhacdo qalbi jab ah haddii lagu codeeyo HAA.
Sida oo kale hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha  Ed Miliband ayaa sheegay in ay arrinta midowgu ahayd mid ka soo go’day qalbiga iyo nafta.
Waxa isna sidaa oo kale u hadlay hoggaamiyaha xisbiga liberal dimuqraadi said Nick Clegg oo ku booriyay reer Scotland in ay ku codeeyaan MAYA.
Wasiirka koowaad ee Scotland  Alex Salmond ayaa ku tilmaamay mucaaridkiisa kuwo aan la aamini Karin.
Mr Cameron iyo  Mr Miliband uga baaqday su’aalihii caadiga ahaa ee lagu weydiin jiray fadhiyada, waxaaney u baqooleen waqooyiga.
Inkasta oo sadexda hoggaamiye gooni gooni u kala ololeynayeen haddana mid walba waxa uu ugu baaqayay codbixiyeyaasha in aaney ka tagin Boqortooyada midowday.

Leave a Reply