WHO oo ka Dayrisay Fiditaanka EBOLA ee Galbeedka Afrika

0
488

Hay’adda caalamiga ah ee ka shaqaysa caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shalay oo jimce ahayd ku dhawaaqday in fiditaanka cudurka EBOLA ee Galbeedka Afrika uu yahay mid aanay xakkamayn karin dalalka uu saameeyey.
Haweenayda madaxa ka ah Hay’adda WHO Margaret Tichan oo shirjaraa’id ku qabatay magaalada Geneva ayaa  waxay sheegtay in dalalka uu sida aadka ah u waxyeeleeyey cudurka EBOLA ee kala ah Siralyoon, Gineu iyo Liberia ay ku yar yihiin inay joojiyaan ama hakiyaan fiditaanka degdega ah ee uu maalinba ta xigta sii samaynayo Virus-ka EBOLA.
Mss Margaret waxay kale oo oo xustay in fiditaanka cudurkani marayo halkiisii ugu saraysay tan iyo markii la ogaaday cudurkaasi muddo haatan laga joogo afartameeyo sanadood.
Digniintan WHO waxay ku soo beegantay iyadoo maalin ka hor warbixin ay Hay’adda lafteedu ka samaysay fiditaanka cudurkasi lagu xaqiijiyey in cudurka EBOLA uu gaadhay Dalka Jamhuuriyadda Dimuqradiga ah ee KONGO taasoo uu illaa hadda asiibay dad gaadhaya 62 ruux muddo todobaad gudihii ah, dadkaas oo 34 ka mid ahi u dhinteen cudurkaasi.
Fiditaanka cudurka EBOLA ee janhuuriyadda Kongo waxa uu u muuqdaa mid ka baxsan faafitaanka cudurkaasi ee Galbeedka Afrika iyadoo cudur sidaha Ebola ee Dalka Kongo uu sido Virus ka duwan ka lagu yaqaano dalalka Galbeedka Afrika oo uu cudurkaasi ku dilay dad gaadhaya 2300 00 ruux gaar ahaan wadamada Siralyoon iyo Liberiya.

Leave a Reply