Gobol Ka Mid Ah Itoobiya oo ay Dugsiyada u Dareereen Shan Boqol oo Kun oo Arday

0
468

Gobolka Qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in sanad dugsiyeedka cusub ay Schoolaad-ka u dirayaan arday gaadhaysa Shan Boqol oo Kun.
Gudoonka waxbarashada ee Gobolkaasi oo u waramay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegay in ay wada shaqayn la leeyihiin dhinacyada ay khusayso si loogu qanciyo waalidiinta inay caruurtooda oo dhan u soo diraan waxbarashada.
Adone Nguse oo  ah gudoonka dhanka waxbarashada ee Gobolka Qowmiyadaha koonfurta Itoobiya waxa uu tilmaamay in xafiiskiisu wado kulamo dhinaca bulshada ah oo uu la yeelanayo hogaamiyayaasha diinta, iyo dhinacyada kale ee dadweynaha si loo diiwaangeliyo ardayda waxbarashada u baahan ee guud ahaan gobolkaasi ku nool iyadoo la fulinayo olole guri ilaa guri ah.
Xafiiska waxbarashada ee Gobolkaasi waxa uu saadaaliyay in diiwaangelinta ardaydu gaadhaso ilaa Shan Boqol oo Kun oo Arday oo da’doodu ka sarayso Todoba Sanadood, kuwaas oo kala badh ay yihiin hablo, waxana ay waxbarashada ka heli doonaan Sadex Boqol iyo Lixdan School oo H/Dhexe oo ku yaal Gobolka qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya.
 

Leave a Reply