“Waxaan Leeyahay Murrashax Jamaal Waxaad u Baahan Tahay Tallo Iyo Tabobar Ku Aadan Garoomada Caalamiga Ah”

0
566

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay dhaliil uu musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ujeediyay waxqabadka ay wasaaradddaasi ka fullisay madaarka Hargeysa.
Wasiirka ayaa dhaliishaa ku tilmaamay mid ay ka muuqato aqoon-darro iyo xogo-gaalnimo la’aan ah, isagoo tallo ujeediyay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Wasiirka oo arrintaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi, “Waa nasiib-darro weyn in horumarkaasi dadka qaarkii aanu deeqin, oo ay u arkaan wax kale, kana xajiimoodaan markaasna ay baqsaan, waxaan si gaar ah u tilmaamayaa erayadii uu lahaa nin weyn oo maanta ardaa-dhig u ah inuu qarankan iyo ummaddan hogaankeeda haaneedo, isagoo dhaliilaya xayndaabka iyo siliga aanu garoonka aanu ku wareejinay, arrinkaasoo tallaabo weyn iyo horumar qarankan u soo hoyday ah, amnigii iyo bad-qabkii madaarkana kor u qaaday, xaqiiqdii waxay ahayd tallaabo xukuumaddani ku dhiiratay, oo xukuumadihii hore ku dhiiran waayeen.”
“Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya waa la go’doomiyey dadkii, isagoo ujeeda dadka siligu dhex maray ee madaarka ka degan koonfurta iyo waqooyiga, in la go’doomiyo may ahayn oo loo galo sida Qasa iyo Isra’il, erayadaasi waa kuwo quun iyo qiimo-dhac ku ah nin doonaya inuu qaranka madaxweyne ka noqdo, taasi waxay muujinaysaa aqoon-darro weyn oo ka haysata garoomada iyo waxyaabaha u muhiim ah, Jamaal waxaan leeyahay waxaad u baahan tahay inaader tallo iyo tabobar ku aadan garoomada caalamiga ahi waxay u baahan yihiin, sida ay u samaysan yihiin, shuruudaha looga baahan yahay, iyo waxyaabaha magacooda iyo maqaamkoodaba kor u qaada.”
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale intaasi ku daray, “Dadka deegaanku bisayl weyn ayey muujiyeen, waxaan ka xumahay in wixii ay dadka caamadu garatay inay rag waaweyn oo siyaasiyiin ahi oo indheer garad ahi ay garan waayaan, oo ay kala sooci waayaan. xintanka iyo xafiiltanka siyaasaddu maaha inuu madax-maro xikmada iyo xiska wanaagsan, waana nasiib-darro, siyaasiyiinta bisil ee rug-cadaaga ku ah masraxa siyaasaddu, waa kuwaas nooga garaabi la’inaanu wax qabanay ummaddu way nagu hambalyaysaa, waanay nagu dhiiri galisaa.”
Wasiirku waxa uu intaas raaciyay, “Waxay ahayd inuu Jamaal na tirtirsiiyo oo uu yidhaa waar waad gaabinaysaa, haddii uu na dhaliilayana waxay ahayd inuu nagu dhaliilo inaanu gaabinay, may ahayn runtii inuu sidaas u hadlo, wadada uu leeyahay maa dadka loo sameeyo dee waanagaas u samaynay, wadada uu sheegayo ma run-wayga garoonka ayaa la marin lahaa?, waayaabe muxuu nagu dhaliilayaaa, ma wadooyin aanu madaarka gudihiisa ka dunay, runtii taariikhda ayaa ka markhtaasi kici doonta inaga iyo kuwa murjiska xaga dambe nagala dhacaya kuwayaga quman.”
 
 
Wasiirka wasaaradda duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale shaaciyey in duullimaadyada dadweynaha xujaajta ah reer Somaliland ee sannadkan soo gudanaya waajibaadkooda uu ka bilaabmay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.
Duulimaadkii ugu horeeyey ee waqtigan ayaa shalay galab ka ambabaxay madaarka Cigaal, kuwaasoo raacay shirkadaha diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways, kuwaasoo tiradoodu dhamayd 350 qof, iyagoo si toos ah u gaynaya magaalada Jidda.
Wasiirka wasaaradda duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay bilowga duulimaadyada waqtiga xajka ayaa waxa ka mid ahaa,  “Waxaanu aad ugu faraxsanahay inaanu galabta (shalay) halkan ku sagootino dufcadii ugu horeysay ee xujaajta sannadkan 2014-ka, ka xajaysay Somaliland ee tageysay guriga Illaahay. xujaajtaasi waxay gaadhaysaa ilaa 350 qof waxaana qaadaya diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways, duulimaadyadaasi oo ka kacaya garoonkeeda Cigaal International Airport, toosna u tagaya magaalada Jidda, iyagoo aan meelna ku sii weecanaynin, runtii waa wax weyn oo Illaahay loogu mahad-naqo. Sidoo kale waxaanu bishan 9-aad ilaa bishii 6-aad ku mashquulsanayn inaanu soo dhaweyno, siina sagootino dadkii dalka imanayey waqtiga xagaaga, weli waxa socda noqoshada dadkaasi, waxaana noogu soo galay waqtigii xagaaga.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “Dad badan ayaa garoonkan ka dhoofaya maalin walba, waxaana kordhay tirada dadka adeegsada tan iyo intii aynu furnay ee adeegiisa aynu cusboonaysiinay, wax badan ayaynu ku kodhinay, waxa aanu shaki ku jirin in markasta oo aynu sii horumarino in dadka ka dhoofaa ay sare u kacayaan, bilihii Juun, July iyo August waxa garoonka ka dhoofay dad gaadhaya todobaatan kun oo qof, waxa aanu qiyaasaynaa in bilaha May iyo September oo imika lagu jiro marka lagu daro ay tiradu gaadhi doonto boqol iyo shan kun ilaa boqol iyo Toban kun oo qof (105.000 ilaa 110.000) taasi waxay noqonaysaa in tirada dadka shan bilood madaarka caasimada ka dhooftay ay gaadhayso wixii Somaliland oo dhan sannad ka dhoofi jiray, taasi waxay ka markhaati kacaysaa marka madaarada la horumariyo inay dadka u sahalayso inay uga dhoofaan garoomada si sahlan.”
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply