Koofur Afrika: Go'aan maxkamadeed oo laga Xumaaday

0
490

Waalidiinta gabadhii la dilay ee Reeva Steenkamp ayaa ka xumaaday go’aanka maxakmadda, waxaanay sheegeen in aan la sugin caddaaladdii kadib markii Cayaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius lagu helay dambi ah in uu geystay dil aan ula kac lahayn kaddib markii uu dilay gabadhaasi  lagu magacaabi jiray Reeva Steenkamp.
Labada waalid June iyo Barry Steenkamp ayaa muujiyay sida ay uga xumaadeen go’aanka maxkamada oo ay ku tilmaameen inuu dhinaca u xagliayay.
Garsooraha maxkamadda Thokozile Masipa ayaa sheegtay in cayaar-yahankani uu si taxaddar la’aan ah u adeegsaday qorigiisa balse wax ay ku wayday in dil ula kac leh,waxa ayna sheegtay in xafiiska dacwad oogista uu ku guul dareystay caddeynta in dilkaasi uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay.
Mr Pistorius waxa uu ku dooday in si khalad ah uu u toogtay gabadhaasi, isaga oo moodayay in ay tahay qof gurigiisa u soo dhacay, waxaana uu haatan dambigaasi lagu helay uu ku muteysan karaa ku dhawaad 15 sano oo xadhig ah.
 

Leave a Reply