Socdaalka Xulafadoonka ah ee Bariga Dhexe

0
520

Xoghayaha arrimaha dibada ee maraykanka, John Kerry ayaa sheegay in 10 waddan oo carab ah oo uu Sacuudi Carabiya uu ku jiro ay aqbaleen in ay qeyb ka noqdaan isbahaysiga ka dhanka ah mintidiinta Daacish.
Waxa uu ka hadlayey magaalada Jiddah, halkaasi oo uu wadahadal kula lahaa qaar ka mid ah waddamada carabta.
Waxa uu sheegay in waddamadaasi ay sidoo kale aqableen in ay is hortgaaan qulqulka lacagta iyo dagaalyahannada u socdo dhinaca Suuriya iyo Ciraaq.
Kol sii horraysay, Madaxwaynaha Maraykanka Obama ayaa ballan qaaday in waddankiisu uu qaadi doono hawlgal millitari oo xidhiidh ah si ay u wiiqaan una baabi’iyaan malayshiyada Khilaafada Islaamiga ah.
Isaga oo ka hadlaya khudbad uu Talafeshinka ka jeediyay Obama, waxa uu sheegay in Maraykanku uu hoggaamin doono xulafo ballaadhan oo ka soo horjeeda ururkaasi

Leave a Reply