Maxaa Isku Soo Beegay Hadaaqa Dawladda Soomaaliya Iyo Hawaawiga Mucaarid?

0
616

Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa ka si taban uga dareen celiyay dhawaaqa xisbiyadda mucaaridka ahi ay ku sheegeen in ay qaadaceen diiwaan-gelintii madaniga ahayd ee qorshuhu yahay in wadanka laga fuliyo bilaha soo socda. Dadweynuhu waxay ku sifeeyeen dhawaaqa labada xisbi mucaarid mid aan ka turjumayn dad qaran ee ay ugu qabanayaan cadowga Somaliland ee dagaalka cad ugu jira inay kala kiciyaan National ID card-ka la doonayo in loo sameeyo muwaadiniinta reer Somaliland. Rayul caamka shacbigu waxay ku haaraameen UCID iyo WADDANI in mawqifka ah ka qaateen diiwaan-gelintu uu yahay mid si xidhiidh ula leh dawladda Soomaaliya oo dhawaan ku baaqday inaanay Somaliland diiwaan-gelinta madaniga ah ka fulin deegaamadda Sool iyo Sanaag barri. “Diiwaan-gelintani ay UCID iyo WADDANI sheegeen inay qaadaceen way ka khaldan tahaye, ma aha doorashadii, axsaabta mucaaridka ahina ma qaadici karaan, waayo ma aha wax ay qeyb ka yihiin oo ay fulinayaan iyagu. Waa mashruuc qaran oo ay qabanayso xukuumaddu oo qeyb ka ah waajibaadkeeda qaran. Mucaaridku xoog iyo xoolo midna ma gelinayaan dhawaaqooduna waa dhidar onkod kiciyay oo kale,”sidaas waxa yidhi Muxuyadiin Cabdilaahi Samatar oo bayaanka mucaaridka ku tilmaamay mid  u adeegaya codowga Somaliland ee u xusul duuban  inay is hor taagaan tallaabo kasta oo Somaliland doonayso inay ku sii ta’kiidiso madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Rayul caamka bulshadu waxay ka sinaayeen oo aaminsanaayeen in go’aanka wada jirka ah ee mucaaridku uu gogol xaadh u yahay cabsi ay ka qabaan in lagaga adkaado doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan, waxa dadka sidaasi aaminsani ay ku doodayeen in xeeladii mucaaridku ay  ku soo ururtay inay culayska saaraan inay wis-wis geliyaan dadweynaha.

“Ma aqbalayno ha qaadanina kaadhka jinsiyadda oo ah mid bulshadda qiime gaar ah oo aad u weyn ugu fadhiya, waxaan leeyahay annagu waanu  gelaynaa diiwaan-gelinta madaniga ah si aanu u qaadano kaadhadhka Jinsiyadda ee Hoggaanka xisbiyadda mucaaridkuna ha soo qaateen jinsiyadda Soomaaliya,”ayay tidhi Foosiya Khadar Cismaan oo ka mid ahayd dadka barta xidhiidhka bulshadda ee Face-book-ga aragtidooda kaga dhiibtay diiwaan-gelinta madaniga ah ee mucaaridku ay doonayaan inay tashuushadeeyaan. Way jireen dad faro ku tiris ah oo ku abtirsada axsaabta mucaaridka ah oo si gurracan fikrad khaldan looga dhaadhiciyay kuwaasi oo ka soo horjeeda diiwaan-gelinta madaniga ah, waxase arragtida bulshadu ay  u badnayd in arrinta mucaaridku ay la soo baxeen beryahan dambe ay u muuqato inay dagaal dadban kula jiraan qaranimadda iyagoo hindise kasta oo dalka waxtaraya oo la soo bandhigaba u yeela turjumaad  aan sax ahayn oo ay ku siyaasadeynayaan. Si kastaba arrintu ha noqotee waxa rayul caamka bulshadda ku mudnayd su’aal aanay jawaab u helin oo ay ku riixayeen mucaaridka oo ku wajahnayd waxa ka dhaxeeya baaqii dawladda Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii labada xisbi ee UCID iyo WADDANI.

dawannews Hargeysa office

Leave a Reply