Suldaan Baane oo ku Baaqay Daryeelka iyo Casriyaynta Madaarka Hargaysa

0
624

Suldaan Cali Cabdillaahi Baane ayaa u soo jeediyay xukuumada iyo shacbigaba talooyin ku waajahan daryeelka iyo casriyaynta madaarka caasimada dalka ee Hargaysa.
Suldaan Baane waxa uu ka hadlay sida ay lagamamaarmaanka u tahay in la ballaadhiyo madaarka caasimada , lana casriyeeyo si taasi loo gaadhana loo baahan yahay dawlad iyo shacab in laga wada qayb qaato u howlgalkiisa.
Suldaanka oo qoraal uu arrintaasi ku faahfaahinayaa naga soo gaadhay waxa uu u dhignaa sidan;
“Madaarku waa madaar caasimadeed, waxaanu u baahan yahay in la sii ballaadhiyo oo la casriyeeyo, lana sugo amnigiisa si uu ula tartamo madaarada caalamka. Waxaaanan ka codsanayaa xukuumada in aan cidna loo oggolaan in ay soo hungurayso dhulka agagaarka madaarka ah oo muhiim u ah ballaadhinta iyo casriyaynta madaarka.  Waxa aaan leeyahay waa in la dhawraa xayndaabkiisa oo dawlad iyo shicib laga wada qayb qaataa. Sida oo kale waxa aan si gaar ah uga codsanayaa wasiirka duulista inuu isna dedejiyo samaynta waddooyinkii ka soo wareegayay xayndaabka madaarka ee uu hore u ballanqaaday si ay dadka ugu fududaato isaga gudubka koofurtiisa iyo waqooyigiisa.
Dhinaca dadweynahana waxa aan u soo jeedinayaa in ay dhinacooda si buuxda uga qayb qaataan si ay howluhu u fududaadaan.”
Isaga oo suldaan Baane ka sii hadlaya dhinaca casriyaynta mustaqbal waxa uu qoraalkiisa ku yidhi,
“ Mustaqabalka dhinaca casriyaynta  iyo sii ballaadhinta waxa uu madaarku u baahan yahay dhul ballaadhan oo ku filan, waana ta aan u leeyahay waa in xil gaar ah la iska saaraa ilaalinta dhulka agtiisa ah gaar ahaan dhulka ka xiga magaalada.
Arrimahani waxa ay u baahan yihiin in loo raadiyo maalgelin xooggan  oo dhinaca casriyaynta ah, waxaana ka mid ah in la sameeyo mustaqbalka   waddooyin hoosta mara oo dadka iyo gaadiidkaba u sahla in ay isaga gudbaan waqti yar  koofurtiisa iyo waqooyigiisaba.
Waxa aan ku soo gabagabaynayaa qoraalka  codsiga ah in dawlad iyo dadweyne si adag laysaga xil saaro u hawlgalka daryeelka iyo casiryaynta madaarka caasimada.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply