Museveni: Ma Haysto waqti aan Bukaan Ugu Jiifsado

0
647

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa ka dalbaday dadweynaha Dalkiisa inay ku dadaalaan sidii ay awoodda u saari lahaayeen ka hortagga cudurka halkii ay ku mashquuli lahaayeen daaweyntiisa.
Madaxweynaha oo ka hadlayey maalinimadii arbacada munaasabad lagu gebagebaynayey olole sadex maalmood ah oo lagu daaweynayey in ka badan 1500 oo  dhalinyarada wadankaasi ka mid ah, oo lagu qabtay Garoon kubadda cagta ah oo uu leeyahay Dugsi Hoose oo lagu magacaabo Kiboga oo ku yaalla mandaqadda Kagobe ayaa sheegay in aanay waqtigiisa ku jirin xilli uu bukaan la jiifsado, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Haddii aan bukaan la jiifsado sidee baan shaqadayda iyo waajibaadkayga u gudanayaa, waxaan kaga badbaaday ka hortag aan ku sameeyo cudurada, xilligii iigu dambeeyey ee aan Xanuun dareemaana waxay ahayd sanadkii 1984 xilligaa oo ay i haleeshay xumadda kaneecadu, aniga oo ku dhex jira weerarkii aanu ku soo qaadnay Magaalada Hoima.”
Dhalinyarada Wadanka Uganda oo loo diyaariyo mashaariic loogu tababaro sidii ay wadaniyadda ula noolaan lahaayeen ayaa Madaxweyne Museveni waxa uu u ballanqaaday in dhalinayarada laga taageeri doono sidii ay qiimo dheeraad ah ugu heli lahaayeen dalagyada ay soo saaraan, sidoo kalena la hagaajin doono waddooyinka loo maro dhul beereedka muhiimka ah.
 

Leave a Reply