“Laga Bilaabo Maanta Batrool-yaraan Dambe Oo Laga Cabanaaa Ma Jirto…” Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland

0
467

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal Gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Muuse Qaasim iyo Maareeyaha Haamaha Shiidaalka ayaa si wada jira daboolka uga  qaaday in  dalka uu soo gaadhay shidaal ku filan oo waliba ah Badrool.

Wasiirka Ganacsiga oo maanta xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta,ayaa intaa ku daray in aanay marnaba dalka ka dhicin in la waayo oo uu dalka ka go,naado Batroolku laakiin la tashiilayay taasoo uu sheegay in ay soo saartay in dalka baahi batrool yaraan ahi soo food saartay.

Wasiirka Ganacsiga oo arrintaa ka hadlayaana waaa uu yidhi.

“Maanta laga bilaabo wax Batrool yaraan ah oo dalka ka jiri doontaa ma jirto markabkiii ugu horreeyay ee shidaal sida gaar ahaan Batrool sidaana dalka shalay ayuu soo gaadhay,maanta ayaana laga shubay,waxaa intaa dheer in booyadihii shidaalka sugayay ee haamaha  taagnaa in la soo dhaamiyay oo iyagoo Batrool sida ay maanta u soo baxeen dhanka Hargesa.”ayuu yidhi Wsiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Waxa isna goobtan ay ku shaacinayeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal Gashiga Caalamiga ah ee Somaliland ka hadlay maareeyaha haamaha shiidaalka isagoo sidaas si la mid ah isna daboolka uga qaaday inuu yimid markab sida shiidaal taasna lagaga bixi doono shiidaalkii dalka ku yaraa.

Waxaanse la ogayn in qiimaha batroolku halkiisii hore ku soo noqon doono waayo isadoo ay ganacsatada Somaliland aan looga baran wax ay kor u qaadeen qiimihiisa in ay hoos u soo celiyaan marka uu kala go,a ka boxo ee dalka oo sidiisii hore u soo gaadho ama la keeno.

Leave a Reply