Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
482

Wadamada ugu awooda badan dhanka ciidamada ayaa waxa wadanka labaad soo galay dalkaasi Sucuudiga oo noqday dalka ku xiga dhanka awooda wadanka Masar oo aynu hore usoo qaadanay, waxaana ciidamadiisa iyo awoodooda ciidanba lagu sheegay inay yihiin kuwo aad u sareeya, waxaanay caalamka ka noqdeen kuwa 25-naad dhinaca awooda.
Dadka dalkaasi ayaa lagu sheegay inay yihiin 28 million oo qof, iyada tiradda ciidamada ee dalkaasi Sucuudigana lagu sheegay inay yihiin 233,000 oo dagaal yahan, waxaana kaydka ciidamadaasi noqdeen tiro ahaan 25,000 oo askari, iyada oo dadka shaqaalaha ah ee ciidamada u qabta adeegyada kala duwani noqdeen iyaguna tiro ahaan 13 million oo qof.
Ciidamadu waxay lee yihiin 1909 oo taangi,waana tiro aad u badan marka loo eego wadamada qaarkood,iyaga oo sannadihii u dambeeyey la sheegay inay aad u dhiseen ciidamadaasi, waxa kale oo ay kor u qaadeen awoodooda iyo dhanka farsamada oo ay ka dhigeen mid casri ah.
Gawaadhida ciidamada qaada ayaa iyaguna noqday kuwo gaadhaaya ilaa 4890 oo gaadhi,kuwaas ciidamada geyn kara meelo kala duwan, sidoo kalena ah kuwo casri ah,waxaanay hubkaasi inta badan kasoo iibsadaan wadamo uu ugu horeeyo wadanka Maraykanku.
Diyaaradaha ciidamada cirka dalkaasi Sucuudiga ee miigaga ah ayaa iyagana lagu sheegay inay yihiin 977 diyaaradood,kuwaasi oo aanay ku jirin kuwa kale ee gaarka ahi,waxa kale oo diyaaradaha Helicopters-ka ah lagu sheegay inay yihiin 368 diyaaradood oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira kuwa ciidamada qaada iyo kuwa duqaymaha geysta ama kuwa  qumaatiga u kaca.
Ciidamada bada ayaa iyagana lagu sheegay inay lee yihiin 23 markab oo aan ahayn kuwa waaweyn laakin ah kuwo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaasi, waana kuwo ka duwan kuwa dawladaha waaweyni isticmaalaan,iyada oo aanay dawladaasi lahayn maraakiibta badda hoosteda quusta.
 

Leave a Reply