Komishanka Doorashooyinka Oo Guddoomiye Cirro u Cadeeyay In Aanu Shaqadooda Ahayn Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ahi “Wax allaale iyo wax laga gooyay iyo wax ka maqan mid-naba ma jiraan shaqaalaha Wakiiladda, mucaaridka ayaa dhabarka soo taabtay” “Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta Ee Soomaaliya Diiday iyo Qaadacaada Mucaaridkeenu waxay ku Tusaysaa In Xidhiidh Ka Dhaxeeyo”

0
452

Hargaysa(Dawan): Komishanka  doorashooyinka Somaliland ayaa  isla  Sabtidiiba qoraal ay soo saareen kaga   jawaab celiyay  waraaq uu Guddoomiyaha golaha Wakiiladda  C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) kaga dalbanayay in ay kaga  soo tallo bixiyaan  xeerka diiwaangelinta madaniga ah oo horyaalla Golaha Wakiiladda, waxaanay sheegeen inaanay arrrinta xeerkaasi aanay shaqadooda ahayn.

 Sidaasna waxa noo xaqiijiyay  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiiladda oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN, waxa kale oo uu Xildhibaanku ka hadlay tuhunadda la xidhiidha diidmada diiwaan gelinta madaniga ah ee mataanaysay xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID  ee ay ku fulinayaan dhawaaqii Soomaaliya ee ay ku cadaysay inay ka soo horjeedo in muwaadiniinta Somaliland la siiyo kaadhka jinsiyadda ee dalku yeelanayo.

 “Komishanka doorashooyinku waraaq ayay u shalay (doraad) u soo qoreen guddoomiyaha oo dib ayay ugu soo celiyeen, waxaanay yidhaahdeen annagu shaqadaa ma lihin,  Komishankuna iyagu shaqadaa malaha xeer dejinta iyo golaha Wakiiladda ayay shaqadaasi u taallaa.  markaa waa in aanu ansixinaa xeerkani oo waliba  aanu si dhakhso ah u ansixina-na waa sax  oo doorashooyinku xiligoodii ayay dhacayaan, haddii laakiin sidan xisbiga Waddani u cago-jiidayo ee ay xeerkani uga dagaalamayaan haddii ay ku socoto, doorashooyinku dib ayay u dhacayaan, taasina iyaga ayaa  u ah sabab,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye.

 Xildhibaan Nacnac,  waxa kale oo uu  sheegay inuu  jiro xidhiidh ka dhexeeya  qaadacaadda    xisbiyadda mucaridka ee diiwaangelinta madaniga ah iyo dawladda Soomaaliya oo uu  sheegay inay si weyn uga soo horjeedo in diiwaangelinta muwaadiniintu  ay ka dhacdo Somaliland, waxaanu tilmaamay in muhiimadda diiwaan gelinta madaniga ahi ay tahay in  lagu kala cadeeyo dadka muwaadiniinta ah ee Somaliland u dhashay iyo  dadka laajiga ah ee ku dhex nool.

 Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku eedeeyay  xisbiyadda mucaaridka ah gaar ahaana xisbiga WADDANI in uu lugta hayo  in diiwaan gelinta madaniga ah ay dalka ka dhacdo, isla markaana  haddii ay doorashooyinku dib u dhacaan in ay sababteeda leeyihiin mucaaridku. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u aragnaa sharci darro, xeerkan diiwaan-gelinta madaniga ah in komishanka lagu celiyo. waa tii la noo soo gudbiyay, waxayna tahay horta in diiwaangelinta madaniga ah   la  horaysiiyo, si loo sugo qofka muwaadinka ah meesha uu ku nool yahay iyo waxa uu yahay, si Oromadan inoo e’eg ee inala midabka ah aynu uga soocnaano, markaa diiwaan gelinta madaniga ah la sameeyo ka dib in diiwaan gelinta codbixiyeyaashana la sameeyo oo lagu xigsiiyo. Markaa waa taasi arrinta aanu isku hayno mucaaridka, oo waxaanu leenahay horta aynu diiwaan gelinta madaniga ah samayno, si aanay doorashooyinku dib ugu dhicin, qoladda xisbiga WADDANI cago-jiid ayaa ka muuqda, oo iyaga ayaaba doonaya in doorashadu dib uga dhacdo Xiligeedii”.

 “Dawladda Soomaaliya kama raali aha in la sameeyo diiwaangelinta muwaadiniinta, iyada oo taasna aynu  ku tusayno in aynu laba dawladood oo kala duwan nahay.Sidoo kale  qoladan WADDANI-na ma doonayaan in la sameeyo diiwaangelinta muwaadiniinta, markaa halkaasina cilad ayaa ku jirta ee waa in la ogaado, markaa waxay u muuqata inuu xidhiidh ka dhexeeyo.  haddaa maxay WADDANI u diidayaan waxaan umadda iyo dalkaba u danta  ah?  markaa timir laf-baa ku jirta,” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

Waxa kale oo uu Xildhibaan Nac-nac  beeniyay in shaqaale hoosaadka golaha wakiiladda oo shalay cabasho ka muujiyay in siday sheegeen gunnooyin laga jaray. Waxaanu arrintaasi ku  tilmaamay been iyo mid waxba kama jiraan ah. waxa kale oo uu ku dooday in  shaqaalaha la marin habaabiyay oo mucaaridku dhegta wax u soo saareen.

 “Anigu waxaan ahay xildhibaan ka tirsan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada wax aleelle wax laga gooyay iyo wax ka maqan midnaba ma jiraan shaqaalahaasi,  aniga ayaa maanta  (shalay) Wasiirka Maaliyadda u tegay, waaanan waydiiyay oo waxaan ku idhi shaqaalahayaga ma wax baad ka jartay?, maya ayuu igu yidhi miisaaniyaddana eega ayuu igu  yidhi, markaa wax laga gooyay shaqaalaha oo xuquuq ahi ma jirto,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye.

Xildhibaanka oo aanu weydiinay in shaqaaluhu ay ku doodeen in Madaxtooyadu ka jartay gunnooyinka ay ka cabanayeen, waxa uu yidhi  “Waxaasi waa wax afka loo geliyay shaqaalaha,   madaxtooyadda lacagta siin jirtay waa tee? Ma madaxtooyadda ayaa lacagta siisa shaqaalaha golaha wakiiladda, halkee ayay u soo mari kartaa? Miisaaniyadda  ayaanay ku jirtaa, waana lana horkeenayaa miisaaniyadda, halka lagaga jaray hana tusaan laakiin dacaayadda lagu ceebaynayo dawladda ama wasiirka maaliyadda ma  ogolin  in uu kolba xisbi mucaarid ahi inan yar dhabarka soo taabto  nin xeelad wataa ayaa doonaya inuu dadka ceeb mar-mariyo.  marka waxaan leeyahay annaga ayaanay shaqaalahayagii yihiin, annaga ayaana jecel in ay wax u kordhaan, annaga ayaana jecel in aanu la shaqayno, laakiin in afka loo geliyo wax aan jirin in ay ku dhaqaaqaan ma doonayno. Xisbiyadda mucaaridka ah ayuun baa dhabarka soo taabtay oo ku yidhi waxbaa  la idinka jaray, haddii laga jaray ha sheegaan oo ha cadeeyaan, haddii wax laga jaray  hana tusaan,” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

By: Khadar C. Muuse

Leave a Reply