Saraakiil uga Cararay Dalkoodii Cudurka Ebola oo la Casilay

0
502

Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa xilka qaadis ku sameysay toban mas’uul oo ka tirsan dowladdeeda, kaddib markii ay dib ugu soo laaban waayeen dalka cudurka Ebola oo  ka dilaacay awgeed.
Madaxweyne Sirleaf ayaa ku eedeysay mas’uuliyiinta in aanay ka fikirin musiibada dalka ku habsatay.
Madaxweynaha Liberia ayaa bil ka hor ugu baaqday saraakiisha dowladdeeda ee safarrada dibada ugu maqan, in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay gacan uga geystaan la dagaalanka cudurka Ebola.
Madaxweynaha ayaa hadda shaacisay magacyada 10 mas’uul oo ay sheegtay in aanay weli dalka ku soo laaban isla markaana aanay wax cudur daar ah muujin.
War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Liberia ayaa lagu sheegay in tobankaasi mas’uul xilalka laga qaaday.
Waxaa mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ka mid ah sideed wasiir ku xigeen.
Ku dhowaad kala badh dadka u dhintay cudurka Ebola ee horraantii sanadkan ka dilaacay dalal ka tirsan Galbeedka Afrika ayaa u dhashay dalka Liberia.
Madaxweyne Sirleaf ayaa lagu soo warramayaa in ay baaq u dirtay Madaxweyne Obama si uu gacan uga geysto la dagaalanka cudurka Ebola ee dalka Liberia.
 

Leave a Reply