Shirkada DNO oo Kordhisay Heshiiskii Baadhista Shidaalka Somaliland

0
461

Oslo (Dawan) Shirkadda Shidaalka iyo  gaaska DNO ASA ee reer Norway ayaa shaaca ka qaaday inay kordhisay muddada heshiiskii baadhista shidaalka Somaliland.

Shirkadda oo war saxaafadeed  ka soo saartay Oslo 12 Sebtember 2014, waxa ay ku dhawaaqday  in ay heshiiskaasi sahaminta iyo baadhista shidaalka  Somaliland ay ku kordhisay laba sano oo hor  leh waqtigii uu jirayay.

Shirkadda DNO ASA oo baadhitaan ka wada  Block SL 18, waxa ay sheegtay in uu sii socon  doono haatan waqtiga sahaminteeda koowaad ilaa bisha November 8, sanadka 2017, xilligaasi oo uu  soo afjarmi doono.

 DNO, ayaa lagu tilmaamay in ay  leedahay  qayb dhan 50% howsha  sahaminta Block SL 18.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay hawl wadeenada ka qaybta ahi waxa ay dhamaystireen Servey-gii sahankii  goobta iyo qiimeyntii daraasadeed ee deegaanka Block 18, waxayna  sheegeen in ay bilaabayaan barnaamijka u qorshaysnaa  ee Seismic acquisition program, marka ugu horaysa ee ay dawladda Somaliland hawlgeliso ciidanka loogu tallogalay ilaalinta shirkadaha baadhista shidaalka (OPU), kaasi oo ay hawshiisu  tahay taageerada Shirkadaha caalamiga ah ee ka hawl-gelaya Somaliland.

“Ciidankaasi OPU ayaa la filayaa inay  hawlgalaan  2015,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sida oo kale, shirkadda DNO waxa ay intaa ku dartay in ay dib u bilaabayso waqtigaa barnaamij  horumarin ah oo ku waajahan in ay u qodo ceel biyoodyo bulshada ku dhaqan deegaanka Block SL 18.

DNO ASA waa shirkad ka diiwaangashan Oslo, Norway ,bariga dhexe iyo waqooyiga Afrikaba, waana shirkad shidaal iyo gaas.

Shirkaddu waxa ay qayb wadaag ku leedahay sahaminta, baadhista, horumarinta iyo soo saarista 20 block oo ah  heerar kala duwan  ku teedsan bariga iyo baddaba sida gobolka Kurdistaan ee Ciraaq, Jamhuuriyada Yaman, Sultanate of Oman, Imaaraadka Carabta, Tunisa Republic iyo  Somaliland.

Leave a Reply