Shil Gaadhi Oo Sababay Dhaawicii Ugu Badnaa Oo Ka Dhacay Duleedka Burco

0
424

Burco(Dawan):- Ugu yaraan  afartan iyo lix ruux ayaa ku dhaawacmay tiro xoolo nool ahina way ku le’deen   Shil gaadhi oo shalay ka dhacay meel u dhow magaalada Qoyta  oo dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

Shilka gaadhi oo dhacay ubaxnimadii shalay-subax ka dib markii uu qalibmay gaadhi weyn oo  kuwa xamuulka ah nooca loo yaqaan Waaraadka kaas oo u soo jeeday dhanka magaalada Burco.

Gaadhiga qalibmay oo a siday dad tiradooda ay dhammayd 50 qof iyo xoolo nool ayaa markii uu gadoomay  waxaa  u gurmaday shaqaalaha cisbitaalka guud ee magaalada Burco,waxaana Cisbitaalka la soo gaadhsiiyay lix iyo afartan qof oo ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan  kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumarba.

Maamulaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco  Dr. C/Qaadir Muruq-liqe, oo Wargeyska DAWAN.  xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay isagoo xilligaa ku sugan Cisbitaalka guud ee magaalada Burco,ayaa sheegay in sidii shalay-subax markii uu shilkaasi  dhacay ay shaqada gurmadka ah u galeen in ay illaa niskii dambe ee xalay ay ku jireen, isla markaana ay dedaal badan u galeen in ay badbaadiyaan dadka dhaawacyada kala duwani  ay ka soo gaadheen gaadhiga gaddoomay.

Maamulaha Cisbitaalka guud ee magaalada Burco oo aanu weydiinay khasaaraha ka dhashay shilkaasi waxaanu yidhi  “Dhaawaca uu shilkaasi sababbay waa lix iyo afartan qof oo ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan laakiin dhimasho ma jirto.”

Waxaa kale oo aanu weydiinay maamulaha Cisbitaalka guud ee Burco dhaawacyada dadka soo gaadhay in ay ku jiraan qaar culus oo aan Burco wax lagaga qaban Karin, waxaanu yidhi “Dhaawaca waxaa ku jira ilaa toban qof oo dhaawacoodu culus yahay oo qaarkood qalliiin ayaanau ku samaynay sidii aan saaka(shalay) shilkaa gurmadkiisa u galayna wali mar qudha cisbitaalka kamaanu rawixin oo dhakhaatiirtiina waa heegan oo wali shaqada iyo daweynta bukaankan ayay ku jiraan waanan ku ammaanayaa sida ay xilka weyn iskaga saareen in ay badbaadiyaan dadkan shilka masiibada ahai uu haleelay oo aan odhan karo waa shilkii noogu cuslaa ee nasoo mara, waxay dadku u badan yihiin rag oo dumarku waa illaa 8 ruux,cisbitaalkuna wuu ku filan yahay shaqada dhaawacan dawo ahaan iyo dhakhaatiir ahaanba waanan ku hawlanahay in aanu sida ugu wanaagsan u dawayno.”

 By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Leave a Reply