Hargeysa, (Dawan)- Sayladda xoolaha magaalada Hargeysa ayaa la dareemayaa dhaqdhaqaaqa xilliga moosimka xajka, isla markaana waxa si isdaba joog ah ay usoo gaadhayaan gaadiidka sida xoolaha kala duwan ee ka imanaya deegaannada hoos yimaada gobolka Marood-jeex.
Gudoomiyaha sayladda gobolka Maroodi-jeex Maxamad Cabdi Xasan ayaa ka warbixiyay halka uu marayo iibka xoolaha, iyadoo ay sayladda soo camireen oo ay buux dhaafiyeen xoolaha carafada ee ay qaadanayaan shirkaddaha kala duwan ee dalku.
Guddoomiyaha ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sida ay usocoto shaqada xilligan ee sayladda iyo duruufaha ku gedaaman. Sidoo kale waxa uu fariin udiray hay’addaha kala duwan ee ay khuseeyaan inay wax ka qabtaan duruufahaasi.
Guddoomiyaha oo shalay warbixin siiyay wargeska Dawan ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Xoolaha kolba wixii Illaahay kusiiyo ayuunbaa lagu mahadiyaa . Ilalahayna qolaba waxbuu siiyay inagana waxaa uu ina siiyay xoolaha nool, Adhi Geel iyo Lo’. Adhigu ha usad roonaado oo haw badnaadee in laga wada shaqeeyo oo la daryeelo ayaa muhiim ah. dawladana waxaa looga baahan yahay, hadday daawo tahay iyo hadday daaq tahay iyo hadday dal tahayba in xoolaha ay ka war heyso.”
Laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland waa xoolaha nool waana in la is-wada garab istaaga ka baadhaya iyo ka dawaynayaba, wasaaradda xanaanada xoolahana waxaa looga baahan yahay inay la shaqayso dadka xoolo dhaqatada ah ee reer miyiga ah uguna tagto reeraha iyo deegaannada ay dagan yihiinba, si loo ogaado xaalada caafimaad ee xoolaheena, markaa waxaan leeyahay Somaliland ninkii wax kale u hayowna u keen ninkii kale Somaliland lexejeclo ka qabowna xoolaheena ha loo deedaalo.” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha oo ka waramaya halka imika uu marayo iibka xooluhu, iyadoo lagu jiro xilligii xajka waxa uu yidhi, “Iibka imika wuu socdaa bari dhaweyd sidii uu ahaana imika waa uu ka yara sad-roon yahay, hase ahaate sidii carafooyinku ahaan jireen wali mahayno waxaananu tirsanaynaa hoos u dhac , geelana hoos u dhiciisuna waxa uu ka yimi xaga carabta, waxaana jira geelal badan oo sidii Sucuudiga loo geeyay in badan xareysnaa oo aan hoosba loo eegin .xaajadu marka ay sidaa noqotana qolo walba xukuumaddeedaa u doodda, marka dawladdu haddii ay ka warheysana way ka warheysaa, haddii aanay ka warhayna geela maalkeena ah ee ku xaniban Jida wax ha laga qabto.”
“Kor u kaca sixirka xoolaha waxaa kaalin mugle kaga jira shirkadaha xoolaha qaata, ee ka ganacsada xoolaha, waxaana hawshan dhoofka xoolahan camal shaqo ka helay muruq-maalka kala duwan ee u shaqeeya shirkaddaha xoolaha iibgeeya, taasoo gaadiidka xoolaha soo daabulayaana ay si dadban uga faa,iidaystaan meheradaha kala gadisan sida sharaableyaasha, meheradaha cuntada kariya iwm. iyadoo qiimaha xooluhuna uu yihiin mid sareeya oo neefka saddex –jirka ah la siisanayo 90 doolar kuwa kalena ay yihiin wixii intaas ka hooseeya sida 85 doolar, 75 doolar, marka Somaliland iyo soomaalida kale wixii wax noo keenaba waxaan leeyahay waar xoolaha haloo dedaalo. Dhinaca kale waxaa aan leeyahay dawladda waxa jira xoolo badan oo bakhtiyay oo uu bakhtigooduna sayladda yaalo, waxaana ka dhalan karta xaalad caafimaad daro ee dawlada hoose ha soo gaadho.” ayuu yidhi Maxaxamed Cabdi Xasan, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, “Sayladdan aynu maanta joogno ee wax lagu kala iibsanayo waxaa la dhisay oo dhidibbada loo taagay sannadkii 1974-kii , waxaana sameeyay ninkii la odhan jirey Bila –Rafle waxaana asalkeedii hore laga soo raray tiyaatarka, meeshana meel jiqa oo ayay ahayd, marka sayladdani sidaasay ku bilaabantay, kuna hirgashay.”
Axmed Aw Cismaan Cigge oo ka mid ah dadka ka xoogsada sayladda xoolaha ayaa isaguna ka hadlay arrin la xidhiidha xoolaha riman ee sayladda loo keeno in la iibiyo, isla markaana la qalo, waxaanu fariin u diray goleyaasha kala duwan ee dawladda waxaanu yidhi, “Waxa aan shacab iyo xukuumadba farayaa dhawaaq qaylo dhaan ah, waxaanan leeyahay waxaa wax aan indhaha maanta laga qarsan karin ah in xoolaheenii ay sayladda ku dhalaan Geel Lo’ iyo Adhiba, iyadoo dabaaqadii iyo calaamadii qaliinku ku taallo, waxaanan xukuumadda iyo golaha wakiillada leeyahay ha ansixiyaan xeerka lagu xakameynaayo qaliinka xoolaha dhalaya, marka la qiimeeyo waxa maalintii la qalaa kun iyo shan boqol oo neef oo dhalaya, markaa kunkaa iyo shantaa boqol ee dhalan lahaaba waa ay lumen. Xooluhuna way dabar go’ayaane hoos haloo eego sababtoo ah wixii umusha u dana uunba ilmahana u dan ah ee waa inaynu waddanka xoolaha ku beerraa, beeraha laga ootayna ha la baabiiyo oo dawladdu xilweyn ha iska saarto.”
By: Khadar M. Xaashi