Kalluunka Iyo Daaweynta Wadne Xanuunka

0
567

Baadhitaan caafimaad oo lagu ogaanayay xanuunadda inta badan ku dhaca Wadnaha aadamaha ayaa lagu guulaystay talaabooyin dabiiciya oo wax ka tari kara, halista xanuunkaas, aadna u yarayn karaya, kuwaas oo ka wanaagsan, kiniinadda had iyo jeer dhakhaatiirtu siiso dadka bukaanka ah ee xanuunka Wadnaha ka cabanaya. Wadna xanuunka ayaa inta badan xiligan casriga ah ee lagu jiro noqday xanuunadda ugu badan iyo halisaha ugu balaadhan dhinaca
caafimaadka aadamaha. Sida khubaradani xaqiijisay, waxa xanuunkan uu aad ugu badan yahay dallalka dhinaca warshadaha ka horumaray iyo magaalooyinka waaweyn oo intooda badan ay sabab u tahay cidhiidhiga iyo saxmadda gaadiidka iyo wasakhowga hawadda, oo ay sababaan qiiqa suntan ah ee gaadiidka iyo warshaduhu ku sii daayaan. Khubarada baadhitaankan samaysay oo u badan kuwa qaliinadda wadnaha looga danbeeyo dunidda iyo kuwa dhuuniga caafimaadka aadamaha u fiican aqoonta balaadhan u leh, ayaa sheegay in isticmaalka cuntooyinka badda lagaga gaashaman karo, halista cudurkan,  xanuunadda wadno xanuunka, dhiig karka iyo xinjiraha ama dufanka sameeya ee dhiiga gala oo ah dux milixdu aad ugu badan tahay. Had iyo jeer dadka reer magaalka ah waxa ku badan fadhiga, kaas oo sabab u noqon kara in duxda dhiiga gashaa ku badato ka dibna keena xanuunadda wadnaha iyo dhiig karka (chalastrol) oo ah dux dhiiga gasha oo dufan ku samaysa waxay sii xoojisa wadnaha oo dadka xanuuna iyo dhiiga oo aad u kaca, waxa kaliya ee lagaga badbaadi karaa waa isticmaalka kalluunka iyo khudaarta qaarkeed oo labaduba leh ama ay ku badan tahay macdanaha dhiiga khafiifiya, halka liinta iyo kaluunka labadoodaba laga helo kaalshiyamka iyo maadooyin kale oo sahla ama khafiif ka dhiga dhiiga, taasoo halbowlayaasha iyo xididdada dhiiga u fududaysa in si sahlan uu u dhex jibaaxo. Akhriste ku dedaal inaad isticmaasho cuntooyinka badda sida kalluunka.

Leave a Reply