Dawladdaha Jaarka Ee Ay Somaliland Kaga Dayan Karto Iib-gaynta Kalluunka

0
448

Kalluunka laga dhoofiyey  dalka Yaman sannadkii lasoo dhaafey waxa uu gaarey 20,987 Tan  oo Kalluun ah,taas oo marka la qiimayo noqoneysa 57.5 Milyan Doolarka Mareykanka.
Taqriir kasoo baxay Wasaaradda Kheyraadka, islamarkaana ay faafisay Wakaaladda Al-Anbaa ayaa waxa lagu sheegay in dalka Yaman uu kalluun u dhoofiyo wadamo gaadhaya 50 Dowladood, kuwaas oo ku yaala Qaaradaha Afrika iyo Asia,12 dowladood oo kamid ahna ay yihiin dowladaha Carabta, waxaana wadankooda loo Iib geeyaa 58% kalluunka guud ee dalka Yaman uu dhoofiyo.
Kalluunka ayaa dalka Yaman ka ah sheyga labaad ee dowladda Yaman ay u iib geyso dunida marka laga yimaado Shidaalka,waxaana Kalluunka Yaman lagu sheegaa kuwa ugu wanaagsan dunida, maadama Badda Yaman aanay jirin Maraakiib ku daadisa Sunta Kiimikada oo wadamo badan lagu daadiyo Baddooda, waana mida ka dhigtay in Kalluunka Wadankaas si aad ah loo dhoofiyo.
Wasaaradda Kheyraadka ayaa ku tala jirta iney sii kordhiso Wax soo saarka dhanka kalluunka, iyadoo la badinayo Warshadaha ka shaqeeya Wax soo saarka dhanka Badda ah, sida lagu sheegay Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ee ay faafisay Al-Anbaa.
 

Leave a Reply