Wakiilka Shirkada Dhoofka Xoolaha Al Jaabiri Oo Dalka Yimi Mashriicna ka Hirgaliyay Maxjarada

0
461

Wakiilka guud  ee shirkada dhoofka xoolaha  Aljaabiri ee mandaqada geeska Afrika  Xasan Al-Xasaani iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho ku yimid bishii la soodhaafay magaalo xeebeeda Berbera, waxaana uu soo  kormeereen habsami-u-socodka howlaha labada Maxjar ee shirkada ku leedahay halkaasi gaar ahaan Maxjarka wayn oo ay shirkadu ka qodey ceel boyood riiga, oo biyahii laga soo saarey ay noqdeen biyo qadhaadh oo xoolihii cabiwayeen sidaasi darteedna ay u keeenayn  warshad biyaha sifaysa islamarnaa macaanaynaysa. Wakiilka Al Jaabiri Xasan Al-Xasaani, waxaa warbixino uu ka dhagaysanayay shaqaaalaha maxjarada uu kormeeyay.
Wakiilka Al Jaabiri Xasan Al-Xasaani, ayaa saxaafada u sheegay in warshadani Biyaha sifaysaa ay faa’iido badan leedahay maadaama oo ay hada cabi karayaan dad iyo xoolaba. Madaxda shirkadan Aljaabiri  ayaa sanadkan ku guulaystay in ay dib-u-furaan suuqii  Lo’da oo dalk Sacuudigu joojiyay   in ka badan 40 sano ka hor, dhamaan wadamada Geeska Afrika ku yaala.
Shirkada Aljaabiri ayaa qoday  labo  Ceel oo Riiga  kuna  dhexyaala maxjarka wayn  ee shirkadaasi leedahay ee u dhexeeya haamaha shidaalka Berbera iyo garoonka diyaaradaha.
Dhinaca kale Maxjarkan Al –Jaabira ayaa meel mihiima kaga jira dalka markaad  ka eegto dhinacyo badan oo ay ka midtahay xaga shaqo abuurka oo ay ushaqo tagaan dad ku dhaw 400 oo qof.
 
Sida la xaqiijiyay Xoolaha sanadkan ee Arafada wixii ka dhoofaya mandaqada Geeska Afrika Dekadaha ku yaala boqolkiiba sideetan 80% waxa diraya Shirkada Aljaabiri oo qandaraaskeeda heshay , Waxaana u saamaxay fursadaasi isagoo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Xoolaha Ee Sacuudi Carabiya.

Leave a Reply